SOMALILAND: Cumar Carte Qaalib Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa

HARGEYSA (Hayaannews) Alle ha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa maana si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddii hore ee Soomaaliya, isagoo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda horraantii toddobaatameeyadii oo ay Soomaaliya ku biirtay ururkii Jaamacadda Carabta.

Waxaa loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.