#SOMALILAND: Dal iyo Dad U Ooman Hogaamiye Diblomaasi Ah Oo kala Dabaalan Kara Marxalada Adag!! FAALLO

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dagaal ugu goodiyey Garaadada SSC inuu ku qaadayo Magaalada Laascaanood oo ka baxdey gacanta Somaliland bil ka hor, kadib markii dad shacab ah oo gedoodsani ku guuleysteen in laga saaro ciidamada Somaliland ee hore u joogey gudaha Magaaladaas.

Muuse Biixi oo maanta ka hadley xaalada Laas-caanood ayaa muujiyey rajo xumo ah inuu quus Siyaasadeed ka joogo Xaalada Jamaahirta kacdoonka ka wada deegaanada SSC. Isaga oo farta ku fiiqaya sida uu u arko xalka xaalada Laascaanood oo uu imanka ka socdo shirka aayo ka tashiga ee Garaadada iyo Waxgaradka kale ee reer SSC waxa uu sheegay in lagu xalin karo  dagaal iyo awood milateri si dib loogu soo celiyo gacanta Somaliland Magaalada Laascaanood. Waxa kale oo uu ugu baaqey bulshada reer Sool iney ilaashadaan nabadgelyada degaanadooda si aaney ugu soo dhex dhuuman argagixisadu.

“Madaxweyne Muuse Biixi oo Siyaasad ku xalin kari waayeey xiisada Laascaanood, iga walle in aanu Dagaal iyo faata-bakh midna ku qabsan kareyn dhulka Daraawiishta Dhulbahante” sida waxa yidhi; siyaasi Maxamed Haji  oo ah falanqeeye ku xeel dheer siyaasada  Geeska Africa. Gaar ahaan ta Somaliland. Waxana uu tallo ugu soo jeediyey  Muuse Biixi inuu qirto fashilkiisa ku saabsan xal u helid la’aanta siyaasadeed ee xiisada kaga kacsan Laascaanood.

“Muuse wuu fashilmay ee ha iska casilo xilka Madaxweyne, si ay Bulshada reer Somaliland u doorato hogaamiye Dublamaasi ah oo kala dabaalan karaya marxaladan adag” ayuu yidhi , M. Haji, isaga oo sii wata hadalkiisana waxa uu ugu baaqey bulshada Somaliland iney si xor ah u doortaan Madaxweyne u dhaama Muuse Biixi oo kaga wanaagsan dhinaca Siyaasada iyo furfurnaanta.. waxana uu yidhi;   “Anigu waxaan idin odhan lahaa u Doorta Madaxweyne Cabdirahmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) . si aad uga baxdaan dhibta labada korneyl ..Waayo, Cabdirahmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). Waa  aqoonyahan sare, Dublamaasi ruug cadda ah, iyo khabiir siyaasadeed oodalka iyo dadka kaga saari karo marxaladan adag, sidoo kalena, dib u soo nooleyn karaya Midnimadii burburtey ee reer Somaliland” ayuu ku soo khatimay hadalkiisa Siyaasi M. Haji ,oo aanu maanta wareysanay isaga oo jooga Magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya xilli dhegta loo taagayo go’aamada ka soo bixi doona Shirka Garaadada iyo Waxgaradka kale ee reer SSC.maalmaha fooda inagu soo haya.