SOMALILAND: Dardar-Galinta Hawlaha La Xidhiidha Mashruuca Marin-Ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor).

Hargeisa(Hayaannews)- Kulan-hawleed u socday mudo sedex cisho ah daneeyayaasha mashruuca dhismaha Marin-Ganacsiyeedka Berbera ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Hargeisa, kulanka ayaa lagu lafogurayey arimo badan oo la xidhiidha mashruuca, gaar ahaan arinta la xidhiidha sida loola tacaamulayo badeecaddaha gudbaya iyo waliba gaadiidka  u kala gooshaya labada Dal ee adeegsanaya Marin-Ganacsiyeedka.

Kulankan oo runtii muhiimadiisa lahaa waxa ay ka soo qaybgalayaashu si xeeldheeri leh midmid isu dul taageen arimo badan oo ay tahay in la sii dhamaystiro ka hor inta aanu mashruucu si buuxda u hawlgalin.Waxa gudoominayey kulanka Wasiir ka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad CaliShire, waxaana kulankan soo qabanqaabiyey Xafiiska Xidhiidhka Marin Ganacsiyeedka Berbera.

Mudadii kulankani socday waxa sidoo kale dib la isula eegay heshiiskii ugu dambeeyey ee Somaliland iyo Ethiopia ay wadagaleen sanadkii 2016. Arimaha xusida-mudan ee is la madashan lagu falanqeeyey waxa ka mid ahaa arimaha Kastamada, Gaadiidka iyo buuxinta hal-beegyada caalamiga ah ee badanaa laga rabo Dowladdaha marka ay wada galayaan heshiisyo miisaankan oo kale leh (Berbera Corridor). Kulankan oo ahaa mid gogol-xaadh iyo wada tashi ahi waxa uu hordhac u yahay heshiis dhawaan dhexmari doona labada Dal (Somaliland & Ethiopia) oo lagu wado in ay kala saxeexan doonaan.

Ugu danbayn, meel-marinta iyo ka midho dhalinta Mashruuca Marin-Ganacsiyeedka Berbera ayaa faaiidooyin dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeedba u leh Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com