SOMALILAND: Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Daah-furtay Qorshaha Guud Ee Maareynta Qashinka
October 22, 2020 - Written by admin
Hareysa(Hayaannews): Waddamo baddan
oo dalalka horumaray ee caalamka ah ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iidaysta
qashinka ka soo baxa magaalooyinka.
Waxaanay dawladaha qaarkood u
arkaan in qashinku uu yahay khayraad dihin oo bulshadda looga faa’iideeyo.
Noocyadda qashinku u kala baxo ee
Adkaha iyo Darreeraha ah ayaana laga soo saaraa tamar koronto iyo waxyaabo
kale.
Inkastoo dunidu ay siyaabo kala
gedisan uga faa’iidaysato qashinka, hadana waxaa jira wadamo badan oo dalalka
dunidda saddexaad ah in uu qashinku buuxo magaalooyinka.
Somaliland ayaana ka mida meelaha
lagu tilmaamo in magaalooyinkoodda uu qashinku jidadka wadhan yahay, gaar
ahaana caasimadda Hargaysa.
Waxaana jira dedaalo badan iyo
isku dayo ay dawladda hoose ee Hargaysa ku doonayso sidii arrintaasi wax looga
qaban lahaa.
Maayarka caaaimadda Somaliland ee
Hargaysa ayaana maanta daah-furtay qorshaha guud ee maaraynta qashinka caasimadda
iyo nadaafadda.
Qorshahani ayaa loo diyaariyay in
ay dawladda hoose ee Hargaysa ku hawl-geli doonto sanadaha 2020-ka ilaa
2022-ka.
Waxaana soo qaban-qaabisay
dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda
dawladda hoose.
Sidoo kale waxa uu wax weyn ka
tari doonaa, qorshaha guud ee caafimaadka” sidaasi waxaa yidhi Mubaarig Yuusuf,
oo ah khabiirka ka soo shaqeeyay qorshahani.
Isagoo hadalka sii watayna waxa
uu yidhi, “Qorshahani waxa uu ku qotomaa, xeerka maaraynta qashinka ee
magaallooyinka Somiland, oo la sameeyay sanadkii 2019-kii”.
Maayarka caasimadda Hargaysa
C/raxmaan Soltelco, oo qorshahaasi si rasmiya u daah-furay ayaa sheegay in ay
horumar ka sameeyeen maaraynta qashinka mudadda ay xilka hayeen.
“Maaraynta qashinka horumar ayaan
ka samaynay, marka loo eego sidii ay xaaladu ahayd markii hore. Wadooyinka
magaaladda ayaa qashinka la dhigi jiray. Laakiin, arrintaa wax badan baan ka
qabanay.
Dhinaca kale waxaanu isku daynay
in aanu dhaqaale u raadino maaraynta qashinka.
Qof waliba wuxuu jecel yahay in
uu gurrigiisu nadiif noqdo. Laakiin, in deegaankii ku xeernaa uu nadiif noqdo,
waa arrin aad u muhiim ah” ayuu yidhi maayarka Hargaysa.
C/raxmaan Soltelco, oo hadalka
sii watay ayaa tilmaamay in ay imika ku guulaysteen maaraynta qashunka qaybta
darreeraha ah, kaasoo ay todobaadka danbe hawshiisa bilaabi doonaan.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu imika ku
guulaysanay, qashinka qaybtiisa darreeraha ah, maamulistiisa, oo ay nagala
shaqaynayso haayadda KFW. Waxaana ku baxaysa lacag hal milyan iyo dheeraad oo
dollar ah. Hawshaasina waxay bilaabmaysaa todobaadka danbe, haddii Alle
yidhaahdo”.
Geesta kale agaasimaha waaxda
arrimaha bulshadda iyo bilicda caasimadda ee dawladda hoose ee Hargaysa Khadar
Yuusuf Cali, ayaa sheegay in sanad walba ay qiimayn ku sameeyan waxyaabaha uga
hirgalay qprsheyaasha u dejisan ee maaraynta qashinka iyo nadaafadda.
Isagoo arrimahaas ka hadlayayna
waxa uu yidhi, “Waxaan rejaynayaa in maxsuul fiicani uu ka soo bixi doonno.
Waxaanu sanadkiiba mar qiimaynaa,
ma gaadhnay qorsheyaashii aan dejisanay? Mise, gal-daloolooyin?
Daraasado badan ayaa laga
sameeyay maaraynta qashinka caasimadda Hargaysa. Imika waxaan sugaynaa uun,
cidii dhaqaale ahaan naga caawin lahayd”.
Dhinaca kale xubno ka socday
shirkadaha ka shaqeeya maaraynta qashinka caasimadda Hargaysa oo halkaasi ka
hadlay ayaa sheegay in waayadan danbe ay bulshadu la fahantay hawlaha maaraynta
qashinka.
Sidoo kale masuul u hadlay haayadda UNHABITAT ayaa tilmaamay in ay dawladda hoose ee Hargaysa kala shaqeeyaan barnaamijyadda maaraynta qashinka.
Shaacinta qorshaha maaraynta qashinka caasimadda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socday haayadda UNHABITAT, shirkadaha ka shaqeeya maaraynta qashinka caasimadda, aqoon yahano ka socday qaar ka mida jaamacadaha dalka iyo culimad-diin.