SOMALILAND: Dawlada Oo  Joojisay isticmaalka Lacagta $50-ka Dollar

Hargeysa (#Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa hakisay isticmaalka lacagta $50-ka dollar ee Mareykanka, kadib markii la sheegay in suuqyada Hargeysa iyo Wajaale ay soo gashay lacag been abuur ah.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland Cali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa ka hadlay arrintan.

Baanka Dhexe ee Somalialnd, Cali Ibraahim Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa xaqiijiyay lacagtan been abuurka ah oo 50 doolar ah oo dalka soo gashay.

Waxanu bulshadda la wadaagay astaamaha lagu garan karo 50 dollar ee been abuurka ah.