SOMALILAND: Dawlada oo Sheegtay Inay Ka Xuntay Inaanay Haweenku Ku Soo Bixin Doorashooyinkii

Hargeysa (Hayaannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka xun tahay inaan Haweenkii isku sharraxay doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee dalka ka dhacday aanay soo bixin oo ay doorashada ku hadheen.

Xukuumaddu waxay sheegtay inay Haweenka u qorshaysey in kuraas Kooto ah looga sameeyo Baarlamaanka, balse ay taasi diideen Golihii Wakiillada ee wakhtigiisu dhamaaday, sidaasi darteed ay ka xun yihiin inaan kuwii doorashada ka qayb-galay ee sida xorta ah u tartamay aanay soo bixin.

Madaxweynaha Somaliland oo Shalay hadal ka jeediyey kulan uu Hargeysa kula yeeshay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo u ordaya Maayarnimada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan aad uga xumahay, waxaanu ku dedaalnay in Haweenku ay doorashada qayb ka helaan, annagu Xukuumad ahaan waxaanu soo jeedinay in Haweenka Kooto loo sameeyo, waxa nagu diiday Golaha Sharci-dejinta, waxaanu u hawl-galay wixii carqalad ku noqon kara Hablaha iyo dhallinyarada doorashada inaanu ka dhaafno, dhammaan wixii dhaqaale ahaa ee lagu waajibiyey in qofku uu doorashada ku galo waanu ka dhaafnay Hablaha, haddana nasiib-darro wixii waxba kama naaso-caddaan oo Hablihii lama dooranin, oo laba iyo saddex baa laga doortay.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com