SOMALILAND: Dawlada Oo Tallaal iyo Daaweyn Ah U Samaynaysa Xoolo Gaadhaya 4.5 Milyan

Burco (#Hayaannews):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay inay xoolo gaadhaya afar milyan iyo badh oo guud ahaan dalka u samayn doonaan adeegyo tallaal iyo daaweyn

Wasiir Siciid oo shalay magaalada Burco ka daahfuray mashruuc tallaalka cudurka Sambabka Riyaha iyo daaweynta xoolaha dalka, ayaa munaasibad loo qabtay oo ka soo qeybgaleen Madaxda heer Gobolka iyo Degmada Burco, madax ka socotay hay’adda FAO iyo hawlwadeenadda wasaaradda ee ka shaqeyntooda hawsha.

Dr Cabdi Muuse, Isu-duwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha Togdheer oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay la joogaan hawlwadeenada Gobolada Saaxil, Sool iyo Sanaag oo ka qeybqaadan doona tallaalka iyo xoolaha guud ahaan dalka.

Wakiilka hay’adda FAO AbdoulKarim Bah oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu Burco u yimaado daahfurka mashruuca talaalka iyo daaweynta xoolaha ka dib mashruucii lagu guulaystay ee sannadkii hore.#Hayaannews

Gudoomiyaha Togdheer Mr Maxamed Diiriye Xayd oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhakhaatiirtii xoolahu u baxayaan deegaamada dalka si adeegyo talaal iyo daaweyn loogu sameeyo xoolaheena, isla markaana tahay dedaal Wasaaradda X/Xoolaha & Kaluumaysigu wado.

Wasiirka Xannaanka Xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo gunaanadkii hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in munaasibada talaaka iyo daaweynta oo hay’adda FAO innaga caawiso laba wakhti dalka laga qabto.

 

Wasiir Siciid ayaa sheegay in sababta ay furitaanka mashruuca ugu qabteen magaalada Burco tahay inuu yahay gobolkii xoolaha, waxaanu yidhi,

“Waxaanu Burco ugu qabanay munaasibada, maadama uu yahay Gobolki xoolaha Somaliland jooga ugu badnaayeen G. Togdheer.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com