“Somaliland Dib Uma Aqbali Doonto In ay La Midowdo Soomaaliya” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Md. Muuse oo jawaabo waafi ah ka bixiyey su’aalo laga weydiiyey kulan dhexmaray Wefdi Shiine ah iyo Soomaaliya

Washington (Hayaannews)- Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in kulan dhexmaray wefdi ka socday dalka Shiinaha kaga wada hadleen danaha labada wadan, isla markaana aanay jirin cid Somaliland wax u yeedhin karta..

Su’aalo kala duwan oo Machadka Heritage Foundation lagu weydiiyey Madaxweynaha JSL Md Muuse, ka dib markuu dhameeyey khudbad dhinacyo badan oo u ka jeediyey ayaa u dhacay sidan;

Waxa jiray warar xan ah oo ku saabsan wefti ka socda Shiinaha oo Hargeysa booqasho ku yimid. Mana siin kartaa wax aragti ah oo ku saabsan wada-hadalladaas iyo waxa ay Beijing ku leedahay?

 Geeska Afrika maanta, dhammaan quwadaha waaweyn ee dalalka horumaray ama (G7) oo ah gole siyaasadeed oo dawladaha Geeska Afrika ayaa ku tartamaya. Shiinuhu waa wadan uu Maraykanka kula tartamayo Geeska Afrika. Haa, weftigoodu Somaliland way yimaaddaan, waxaanu ka wada hadalnay danaha labada wadan. Si kastaba ha ahaatee, inta badan, waxaan haysanaa fikrado iyo khilaafyo kala duwan sababtoo ah arrinta Taiwan, taas oo Shiinuhu aad uuga xumaaday in Somaliland la samaysay xidhiidh dhaqaale, xafiis ganacsi ay ka furto iyo sidoo kalena Taiwan ku leeyahay caasimaddeena xafiis wakiil ka ah. Laakiin se, Somaliland waa dal madax-bannaan Dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan-ba ama nihin xoog. Waxaan nahay masaakiin hasa ahaate aad ayaan u hanweynahay. Anaga keliya go’aanaddeena gaadhna Qofna nama saameyn karo.

Sababaha aan u aaminsanahay in Maraykanku ay tahay in uu aqoonsado Somaliland waxa ka mid ah, aniga oo aan arkayn in ay Somaliland raalli ka tahay ku biirista Soomaaliya mustaqbalka. Taas ma ku raacsan tahay? Ma aragtaa xaalad ay Somaliland si badheedh ah ula midoobi doonto Soomaaliya?

 Iima cadda go’aamada uu Maraykanku ka leeyahy Somaliland. Laakiin, anigga iyo shacabkayguba waxaanu rajaynaynaa inaanu Mareykanka yeelano xidhiidh xeel dheer. sababtoo ah, waxaanu wadaagnaa qiyam gaar ah. Marka hore, waxaan wadaagnaa taariikho isku mid ah. Somaliland waxay ahayd maxmiyadii gumaystihii Ingiriiska, Taasoo Maraykankuna Ingiriisku gumaysan jiray. Maraykanku wuxuu u halgamay xornimadooda si la mid ah sidii ay Somaliland uga dagaalantay madax-banaanideeda. Midda labaad, mustaqbalka lama saadaalin karo, marnba Somaliland iyo Soomaaliya ma midowbi karaan? Sababtu waa? Maskaxdeenu way kala duwan tahay. Muddo 30 sano ah ayaanu ku jirnay midow, sannadahaasina aad ayey noogu adkaadeen labadeenaba. Waxaa jiray khilaafyo gudaha ah oo ka soo bilaabmay dastuurkii la diiday 1960kii iyo afgambigii dhicisobay ee 1961kii. Kuwa maanta Muqdisho joogaa waxay aaminsan yihiin in Somaliland tahay gobol yar oo Soomaaliya ka tirsan. Waxay iska indho-tireen taariikhda inaanu ahayn laba dal oo xor ah oo si mutadawacnimo ah isugu biiray 1960kii. Dabadeed 1991kii Jamhuuriyaddii Soomaaliya way fashilantay. Beesha caalamka oo Maraykanku hoggaaminayey 2003dii ayey qayb ka mid ah midowgii labada wadan aqoonsadeen? Maxay Somaliland u aqoonsan waayeen? Sababtoo ah inta badan beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub iyo Maraykanka oo ah madaxda dimuquraadiyadda caalamkan, ayaa taageera Muqdisho oo ah halka ay ku sugan yihiin kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, madaxdooduna ay ku fashilmeen inay difaacdaan dadkooda. Haddaba maxaan u aqbali la’hayn in aan ka mid noqono mar haddii aysan xitaa ku heshiin in aan nahay laba gobol oo siman oo mar isku biiray. Haddana, waanu ku guulaysanay. Markaa Somaliland dib uma aqbali doonto inay la midowdo Soomaaliya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com