#SOMALILAND: Doon U Rarnayd Ganacsade Oo Gubatay

Hargeysa (Hayaannews)   –  Doon ganacsi oo u rarnayd ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo reer Somaliland ah, ayaa dab qabsaday kadibna dagtay xilli ay rar kasoo qaaday magaalada Cadan ee dalka Yemen kuna socotay dekedda Berbera.

Cali Ducaale oo ah mulkiilaha doonta, oo waraysi siiyay Eryal TV, ayaa sheegay in doonta uu dab qabsaday maqribkii Isniinta, isla markaana markii loo gurmaday ee la bakhtiiyay dabkii, ay biyo soogaleen oo ay dagtay.

Waxaanu yidhi.”Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso, way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan, balse dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay”

Doontan ayaa siday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale, kuwaasi oo gabi ahaanba ku shufbeelay isla markaana ay doontu la dagtay markii ay burburtay.

“Doonta iyo xoolaha saaranba Somaliland ayaa laga leeyahay, doonta waxa lahaa anigaygan kula hadlaya ee Cali Ducaale ah, xoolaha saarana waxaa lahaa ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo Somalilander ah, hantida doonta saarnayd waa, 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale”Ayuu yidhi Ducaale.

Ducaale ayaa hantida ku burburtay doontay ku qiyaasay ilaa milyan badhkii oo dollar “Xoolaha doonta saarnaa kama yarayn 500,000 ama 600,000 oo dollar”.

Dabka ayaa sannadka hanti badan ka galaaftay ganacsada reer Somaliland, waxayna dhacdadani imanaysa, iyadoo lala daala dhacayo kasoo kabashada dabkii weynaa ee burburiyay suuqa Waaheen ee Hargeysa, masiibadaasi oo lagu wayay hanti lagu qiyaasi ilaa 2 bilyan oo dollar.