SOMALILAND: Dufcaddii 33aad Oo Ka Qalin-jabisay Dugsiga Tabobarka Ciidanka Booliska ee LIXLE DAAWO SAWIRADAN:

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tababar ugu soo xidhay in ka badan 700 (Todoba boqol) oo Ciidanka Booliska ah oo Dugsiga tababarka Lixle ee Mandheera maanta ka soo baxay.

Munaasibad ay ku qalin-jebinayeen dufcadani oo ahayd dufcadii 33 ee ka aflaxday dugsiga tababarada ee lixle ee degmada Mandheera waxaana Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb-galay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska, Illaaladda Xeebaha Asluubta iyo Laanta Socdaalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Dufcadani tahay dhalinyaro aqoon-yahanno ah si wanaagsana u bartay sharciga waxaanu yidhi “Dufcadani waa dhalinyar aan wax balwad ah lahayn, kooda ugu yari waa ka dugsi sare ka qalin-jebiyay waa mutacalimiin garanaya waajibaadka dalkooda iyo dadkooda waana ku hambalyaynayaa inay inoo soo baxeen”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradani aqoon-yahanka ah ee maanta kusoo biirtay Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “Maanta waxa la idin baray aqoon-buuxda waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad dul-qaad muujisaan booliska waa la maagaa oo waa la caayaa waayo tuugtii aad soo xidheen ayaa idin caayaya iyo kii falalka dambi ku jiray dulqaadkeeda lahaada oo aqoonta sii kordhiya “.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamadan cusub ee maanta tababarka loo soo xidhay waxaanu ku adkeeyay inay la yimaadaan cadaalad iyo raacista sharcigii lasoo baray waxaanu yidhi “Ciidanka Boolisku baahi weyn ayuu u qabaa dhalinyaradan oo kale maadama lodkii hore ay shaqada ka fadhiisanayaan idinkaa xilka la wareegaya waxa laydinka baahan yahay inaad ilaalisaan midnimada iyo wadajirka dalka, waxa laydinka baahan yahay in qofka dambiilaha ah aydaan u eegin xigto iyo qaraabo dadkeena mushkilada haysaa waa taas, inaad wax ka qabataan ayaa laydinka rabaa”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com