SOMALILAND: Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Nidaamka Ururada Iyo Axsaabta Siyaaadda

Hargeysa (Hayaannews)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta siyaasada ee Xeer L/14/2021 oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey, muddooyinkii u dambeeyey horyaallay Golaha Guurtida.

Fadhiga Golaha Guurtida ee saaka oo ay ka soo xaadireen 52 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa ka hor intii aanu goluhu gudo-gelin ansixinta xeerka hadal ka jeediyey fadhiga saaka guddi ka tirsan golaha oo loo xil-saaray Naaqishaadda xeerka oo ay wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyeen Golaha Wakiillada oo u soo gudbiyey.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo hoggaaminayey guddiga loo xil-saaray naaqishaadda xeerka, waxa uu yidhi, “Markaan aragnay qodobka 61aad, 9aad, 22aad , 23aad iyo 38aad ee Dastuurka Qaranka Jamahuuriyadda Somaliland, Markaan aragnay wax ka bedelka iyo kaabista gollaha wakiilllada ee Xeerka nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021, in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka si ay muwaadiniintu u guddan karaan xuquuqdooda si waafaqsan dastuurka oo tobbankii sannadoodba mar la furo, si ay u doortaan saddex xisbi oo talada iyo awoodda ku tartama.”

“Sidaa awgeed, markaanu ku qanacnay baahida loo qabo kaabista iyo wax-ka-bedelka Xeerka, waxaanu ku qanacnay in Xeerku sidaa uu kaga yimi golaha wakiillada cod loogu qaado,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan.

Soo jeedinta xildhibaanka kaddib, waxa la gudo-galay ansixinta xeerka, waxaana in loo loo qaado golaha ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan. Cod gacan-taag ah kaddib, guddoomiyaha Guurtida, ayaa halkaas ka shaaciyey natiijada codeynta loo qaaday ansixinta xeerka. Waxa in xeerka la ansixiyo oggolaaday 48 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mid kalena wuu ka soo horjeestay, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda JSL.

Golaha Guurtida ayaa ansixinta xeerka u gudbin doona madaxweynaha Somaliland oo wareegto ku shaacin doona dhaqan-galka Xeerka, sida sharcigu dhigayo