SOMALILAND: Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

Hargeysa (Hayaannews)- Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay ansixiyey xeerka shaqalaha Rayidka ah, Xeer Lr-31/2020, iyadoo kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay.

Fadhiga lagu ansixinaayay xeerkaas ayaa waxa shirgudoominayay Gguddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, iyada oo ansixinta xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr-31/2020, ogolaaday saddex iyo afartan (43) mudane, sagaal (9), mudane ayaa ka aamusay, iyaoo guddoomiyuhuna aanu  codayn, sidaasina waxa ku ansaxay Xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Lr-31/2020.

Geesta kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay shaqaalaha iyo Qaranka waxaanu xusay in xeerkani ilaalinaayo xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah, isaga oo qeexaya waajibaadka loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha, iyada oo xeerkani muhiim u yahay bed qabka shaqada iyo shaqaalaha isla markaana ogolaanaya in dalka laga furo ururo metela shaqaalaha Rayidka