SOMALILAND: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadeedka 2022 iyo Buuq ka Dhashay Oo Gacan Gaadhay

Hargeysa (Hayaannews):- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisanadiyada xukuumada Somaliland ee sannadkan 2022, oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan  boqol siddeed iyo soddon  shilin).

Fadhiga maanta ee Golaha oo ay ka soo xaadireen 67 Mudane, ayey haa ku ansixiyeen 57 Xildhibaan, waxaa diiday 6 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanay ku ansaxday miisaaniyadda dowladda ee 2022-ku.

Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada, ayaa miisaaniyada wax ka badal ku  sameeyay, iyagoo hay’addaha qaarkood u kordhiyay qoondada ay miisaaniyada ku yaalanayaan. Guddida ayaa soo jeedisay in 1 milyan oo dollar lagu kordhiyo lacagta qabashada doorashooyinka sannadkan dhacaya oo 4 milyan markii hore miisaaniyada ugu jirtay.

Sidoo kale, Ciidammada oo ay Xukuumaddu mushaarkooda u kordhisay 20% sannadkan 2022, ayay ugu dareen 10% oo kale taasi oo ka dhigan in 30% mushaarka ciidanka la kordhiyay. Sidookale hay’ado kale oo dhawr ah ayay u kordhiyeen qoondada miisaaniyadda.

Qaar kamid ah Xildhibaannada, ayaa iskugu gacan qaaday khilaaf ka dhashay habka loo maamulay ansixinta miisaaniyadda, iyagoo Xildhibaannada qaarkood ay ku doodeen in aan si habboon looga doodin oo si duuduub ah lagu ansixiyay. Saluuggaas oo keenay inay Xildhibaannada qaar isu gacan qaadaan, buuq badanina Golaha ka oogsaday.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com