SOMALILAND: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xeerka Liisamada Ganacsiga

Hargeysa (Hayaannews)- Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ansixiyey wax-ka-bedel iyo Kaabis lagu sameeyey Xeerka Liisamada Ganacsiga.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominaayay guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, kana soo xadireen 33 Mudane, ayaa waxa lagu ansxiyey Xeerkaasi oo uu goluhu dib u eegis ku sameeyey.

Ansixinta wax ka bedelka lagu sameeyey Xeerka, waxa ogolaaday 21 xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday, halka ay ka aamuseen 8 mudane, guddoomiyuhuna ma uu codeyn.

Baashe Maxamed Faarax Guddoomiyaha Golahaasi oo natiijada codeynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in uu sidaasi ku ansaxay Wax-ka-bedelka Xeerkaasi lagu sameeyey.

Kaabista iyo wax-ka-bedelka Golaha Wakiilladu ansixiyeen, ayaa loo gudbin doonaa Golaha Guurtida si ay waajibkooda uga gutaan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland