SOMALILAND: Golaha Wasiirradda Oo Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2022-ka

Wasiir Sacad Ali Shire ayaa sheegay inay Sameeyeen Miisaaniyad Daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, “Waxaanu si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degnay oddoroska  aanu sameynay”

Hargeysa(Hayaannews): Fadhigii 84aad ee golaha wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta dood dheer iyo falanqayn ka dib lagu ansixyey miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.

Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin. Waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban).

Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxay u kala korodhay:
Ø Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay sannadkan
Ø Miisaaniyadda Dawladda dhexe waxay korodhay 11% sannadkan
Ø Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay 44% sannadkan
Ø Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladduna waxa korodhay 12% sannadkan
Ø Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu waxay korodhay 41% sannadkan.
Waxaana xusid mudan in sannadkan ciidamada dalka loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda.
Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:
1. Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka,
2. Xakamaynta sicir-bararka
3. Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland.
4. Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka.
5. Xoojinta amniga.
6. Qabashada iyo soo saarista biyaha.
7. Ku-talogalka abaaraha.
8. Xoojinta keydka qaranka.
9. Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada.
10. Dhiirrigelinta wax soo saarka.
11. Deegaanka.
12. Xoojinta ictiraaf raadinta.
13. Kaabayaasha.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.
Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 wasiir, waxaana u codeeyey 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com