SOMALILAND: Guddiga Qandaraasyada oo Furay Tartan Loo Galayo Dhismaha 26 Dugsi Oo Laga Hirgelinayo Dalka
November 9, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa
maanta daah-furay Mashaariic fulintooda ay u tartamayaan shirkado tiradoodu
boqol ku dhow dahay, kuwaas oo xukuumaddu ka hirgelinayso dalka.
Mashaariicda oo qandaraaskooda ay Guddigu hore u shaaciyeen, waxa soo
xeraystay shirkado muwaadiniin ah, waxaanay kala yihiin 24 Dugsi iyo 2 Lap oo
Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ka fulinayso gobollada dalka.
Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada 26-ka Mashruuc oo maanta
ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka
Qayb-galay xubnaha Guddiga, Shirkadaha tartanka ka qayb-galaya iyo masuuliyiin
ka socotay wasaaradda Waxbarashada.
Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey noocyada
Qandaraasyada iyo tirada shirkadaha fulintooda u tartamaya, guddoomiyaha
Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.
Warkan oo Faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-