SOMALILAND: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Fariin U Diray Xubnaha Shaqaalaha Dawladda Ka Tirsan Ee Sharaxan.

Hargeysa(#Hayaannews)Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Md Farxaan Aadan Haybe ayaa ku wargeliyey dhammaan shaqaalaha dawladda Somaliland ee doonaaya in ay u tartamaan doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda Somaliland in ay warqadda is casilaadda usoo gudbiyaan Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ay ku wargelinayso dhammaan Shaqaalaha wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda ee goboladda kala duwan ee dalka, Tuulooyinka iyo degmooyinkaba in aanay xubno firfircoon ka noqon xisbiyadda Siyaasadda Somaliland , sida uu dhigaayo xeerka shaqaalaha dawladda ee Somaliland.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe ku wargeliyey cid kasta oo ka tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland oo isu soo sharaxday doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo wakiiladda Somaliland ee degmooyinka iyo goboladda dalka in ay bisha dhammaadkeeda oo ah 90 cisho ka hor waqtiga doorashada iska casilaan xubbinnimada ay ka ahaayeen shaqaalaha dawladda, iyaga oo is casilaadooda usoo gudbinaaya Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda ama Hay’adda ay ka tirsanaayeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa uu sheegay in ciddii talaabadas raaci weyda ay waajibaad sharci ka gudan doonto Hay’adda Shaqaalaha dawladdu,waxa uu sidoo kale tilmaamay in Agaasimeyaasha Guud iyo Xoghayeyaasha dawladdaha hoose ay iyaguna sidaas oo kale waajib ku tahay inay iska casilaan xilalka ay hayaan mudadaas loo cayimay ee 90-ka cisho ah ka hor.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland.

Email: Hayaannewssoma@gmail.com