SOMALILAND: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Midowga Yurub

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Dalalka Midowga Yurub.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo warbaahinta ee Maxkamadda Sare Ibraahim Maxamed Cali, Guddoomiyaha iyo weftiga Midowga Yurub ayaa ka wada-hadlay qodobbo uu ka mid yahay go’aankii Maxkamaddu ka soo saartay Khilaafka sharci ee ka taagnaa furista ururrada siyaasadda.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:- “Kulanka ay yeesheen guddoomiyaha iyo waftiga ka socday dalalka ay Somaliland wadaagaan xidhiidhka iyo iskaashiga soo jireenka ah, ayaa daaranaa is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha xaalada dalka, waxanay ka wada-hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Dastuuriga ahi, ka soo saartay dacwadihii loo soo gudbiyay iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaadatay dajinta xaaladdii taagnayd iyada oo ay soo dhaweeyeen dhammaan dhinacyadii ay khusaysay.

Guddoomiyaha iyo waftiga ayaa sidoo kale isla soo qaaday doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan, waxaanay ku bogaadiyeen garsoorka dalka kaalinta wanaagsan ee uu kaga jiro horumarka iyo geedi-socodka dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay xuseen in ay xoojinayaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland. Geesta kale guddoomiyaha ayaa waftiga uga waramay dedaalada lagu fidinayo adeega garsoorka, waxaanu tibaaxay in deegaano badan laga furay Maxkamaddo halka la xoojiyay Maxkamadaha guurguura oo laf-dhabar u ah in ay bulshada Somaliland si siman u helaan adeega garsoorka ee ay xaqa u leeyihiin.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa uga mahadceliyay waftiga booqashada ay waddanka ku yimaadeen iyo iskaashiga wanaagsan ee ay la leeyihiin Somaliland gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka, waxaanu ku booriyay in ay sii wadaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com