SOMALILAND: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Sheegay inay Kooban Yihiin Dacwadaha Soo Gaadhay Ee Doorashadda

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta soo saaray jadwalka ay ku ansixinayaan maxkamadaha gobolada dalku, natiijada rasmiga ah ee labaatan degmo doorasho, kaasi oo ay soo gudbiyeen maxkamadaha gobolada iyo maxkamadaha degmo/gobolada JSL. Iyada oo Wasiirka arrimaha gudahana Somaliland-na soo saaray jadwalkii kal-fadhiga koowaad ee golayaasha deegaanka dalka si loo dhaariyo.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu horayn hay’adaha dawladda iyo shacbiga jamhuuriyadda Somalilandba ku bogaadiyay doorashadii milgaha lahayd ee qaranka u qabsoontay, sidoo kale waxa uu warbixin kooban ka bixiyay cabashooyinka ilaa hadda soo gaadhay maxkamadaha kala duwan ee dalka, waxaanu sheegay in ay yar yihiin cabashooyinka guud ahaan soo gaadhay iyadoo loo eegayo in cabashooyinku waafaqsanyihiin xeerka doorashooyinka, si cabashooyinka buuxiya shuruudaha dacwad loogu furo.

Waxaanu yidhi “Guud ahaan waddanka waxa na soo gaadhay cabashooyin kooban, Maxkamadda gobolka Togdheer waxa soo gaadhay 8 cabasho, laakiin shuruudihii arjiga may buuxin, markaa wax dacwad ah lagama furin, gobolka Sool waxa soo gaadhay 4, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay eegayaan, go’aana ka gaadhayaan, Sanaagna hal cabasho ayaa soo gaadhay, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay go’aan ka gaadhayaan”

Geesta kala guddoomiyuhu waxa uu xusay in ay maalmahanba aqbalayeen cabashooyinka la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiilladda, waxaanu sheegay in araajida ay soo qorteen murashaxiintu loo eegayo shuruudaha uu xeerku sheegay, haddii ay shuruudaha buuxiyaanna loo furayo dacwad, haddii kalana loo sheegayo in aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa ee dacwad furshada.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray shacbiga Somaliland sida wanaagsan ee ay doorashada u galeen, waxaanu ugu baaqay in ay difaaca qarannimada Somaliland meel uga soo wada jeestaan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay qaabka loo wajahayo dacwadaha iyo cabashooyinka la xidhiidha goorashadii golaha wakiillada waxa uu yidhi “Sida xeerka Doorashooyinka sheegayo Doorashada Golaha Wakiilada 14 cisho ka hor maalintii lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashada ayaa la soo gudbinayaa Cabashooyinka, markaa 14 cisho ayaa ka hadhayn Cabashooyinkii waanu aqbalaynay Maalmahan. marka ay soo dhamaystirmaan ayaanu sheegi doonaa waxaana la eegi doonaa arjiyadaa ay soo qorteen Musharaxiintii dhacay in ay buuxiyaan shuruudii Xeerka sheegayay, markaa hadii shuruudii uu buuxiyo xeerku sheegayay dacwad ayaa ka furmaysa oo waa la dhagaysanayaa hadii arjiga shuruudii buuxin waayay wax dacwadi ka furmi mayso ee waxa la o dhanayaa arjigaagii muu buuxin”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com