SOMALILAND Ha iibiso Quruxda iyo Qiimaha Ka muuqda Hannaanka Dimuqraadiyadeeda

Hargeysa (Hayaannews) Jamhuuroyadda Somaliland waxay ku taal gobolka Geeska Afrika oo ah gobol ay ku badan yihiin colaadaha iyo xasaradaha hubaysani. Sidoo kale, Gobolka Geeska Afrika waa gobol aan laga jeclayn hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada iyo ku dhaqanka doorashooyinka xorta ah.

Waxa xusid mudan in Somaliland oo ku taal mandaqad aad u xasaasi ah ay hadana ku guulaysatay inay muddo ka badan 18 sano ku dhaqanto hannaanka Xisbiyada badan iyo tartanka doorashooyinka xorta ah.

Furfurnaanta iyo ilbaxnimada ka muuqata geedi socodka nidaamka Dimuqraadiyadda Jam. Somaliland waa mid la yaab iyo indho-sarcaad ku riday Waddamada Geeska Afrika iyo Dunida kaleba.

Tusaale ahaan, Tartankii Ololaha Doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Dawladaha Hoose ee soo gabagaboobay 28.05.2021 (oo ah doorashadii 7-aad), guud ahaanba ummadda Jam. Somaliland (Xisbiyada Qaranka, taagerayashooda, Xukuumada iyo shacabka Somaliland) waxay soo bandhigeen waayeelnimo, bisayl, ilbaxnimo iyo waayo-aragnimo la xidhiidha nidaamka doorashooyinka iyo dimuqraadiyada.

Quruxda iyo haybadda ka soo baxday Tartankii Ololaha Doorashooyinka waxay cashar weyn oo ku dayasho mudan u tahay guud ahaanba Waddamo badan oo ka mid ah Qaarada Afrika iyo Dunida Carabta oo lagu yaqaano dhaqan gurracan oo ka soo horjeeda nidaamka dimuqraadiyadda, kaasoo ah in Xukuumadaha talada hayaa ay Xisbiyada Mucaaridka kula kacaan cadaadis iyo caga juglayn, isla markaana lagu muquuniyo awooda iyo agabka dawladda.

Somaliland waxay qabsatay wax ay ku faani karto, taasoo ku timid kartida iyo awooda shacabka karaamada leh ee Somaliland. Sidaa darteed waxa laga maarmaan ah in Somaliland ay iibisi Quruxda iyo Qiimaha ka muuqda hannaanka Dimuqraadiyadeeda.

Berri 31/05/2021 In Sha Allah waa maalintii codbixinta Doorashooyinka isku sidkan. Si nabad gelyo ah ha lagu codeeyo.

Somaliland ha NOOLAATO.

Qore: Xuseen Adan Cige (Deyr)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com