SOMALILAND: Hanaanka Casriga Ah Ee Xisaab-Celinta Iyo Cashuur-bixinta Ee AdeegsigaKhadka Tooska ah (Online Taxpayer Portal System).

Hargeisa, (Hayaannews) –  Wasaaradda H.Maaliyadda JSL ayaa maanta 100 cashuur bixiye u soo xidhay tabobar soconayey 2 cisho. Tabobarkan oo ay Wasaaradda iyo Hay’adda OPM iska kaashadeen, ayaa ku saabsanaa sidii ay cashuur bixiyeyaashu ugu soo bixin lahaayeen cashuurta Nidaamka tooska ah( Taxpayer’s Online Portal) oo ay Wasaaraddu dhawaan sameysay.

Nidaamkani wuxuu ganacsatadda u suurto galinayaa in ay cashuurta soo bixin karaan iyaga oo aan iman xafiisyadda W. Maaliyadda, balse joogga goobahoodda shaqadda waana mid lagu fudeydinayo cashuur ururinta isla markaana  cashuur bixiyaha loogu keydinayo Wakhti iyo kharash kaga baxa soo bixinta cashuurta.  Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Salaf oo tabobarka soo xidhay waxa uu cashuur-bixiyeyaasha tabobarkaas ka soo qaybgalay u sheegay inay diyaar u yihiin ka  Wasaarad ahaan qorshe-kasta oo cashuur-bixiyeyaasha loogu  fududeynayo nidaamka cashur-bixinta.

Sidoo kale Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa si qoto-dheer faahfaahin uga bixiyey nuxurka tabobarkaasi iyo faa’idooyinka uu cashuur-bixiyaha u leeyahay tababarka Hanaanka casriga ah ee xisaab-celinta iyo cashuur-bixinta ee adeegsiga habka is-wada ee cashuur-bixinta (Online Taxpayer Portal System), isag oo tibaaxay mihiimada wayn ee uu leeyahay cashuur-bixiyayaasha, waxaanu Agaasimaha Guud uga mahadnaqay cashuur-bixiyayaasha kaalintooda horumarka dalka.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasime-xigeenka waaxda cashuuraha berriga Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Laas), kaas oo  sharaxaad ka bixiyey tabobarka hanaanka casriga ah ee xisaabcelinta iyo adgeesiga habka is-wada, waxaanu sheegay inuu culays badan ka yarayn doono cashuur-bixiyayaasha.

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com