SOMALILAND: Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Oo Ku Hawlan Hirgelinta Nidaamka Casriga Ee Maamulka Shaqaalaha (HRMIS)

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Md. Khalid Jama Qodax ayaa shalay furay kulan-hawleed ay ka soo qaybgaleen dhamaan agaasime waaxeedyada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.

Kulankan oo qayb ka ah kulamo joogto ah oo looga gol leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa diiradda lagu saaray hirgelinta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda (HRMIS) iyo hannaanka cabashooyinka shaqaalaha dawladda.

Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo dul maray muhiimadda uu nidaamka HRMIS u leeyahay kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda, isaga oo ku boorriyay saraakiisha Hay’adda Shaqaaluhu in ay si dhow ula shaqeeyaan shirkadda gacanta ku haysa samaynta nidaamkan. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay dib u eegista iyo qiimaynta hannaanka cabashada shaqaalaha dawladda oo muhiim u ah in sida ugu habboon loo hirgeliyo siyaasaddan si shaqaalaha dawladdu ay u helaan caddaalad meel kasta oo ay joogaan.

Intaas ka dib, shirku waxa uu dhegeystay war-bixin ku saabsan qiimayn ay dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ka samaysay ilaa 16 ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda, kaas oo ku saabsanaa hannaanka cabashooyinka shaqaalaha dawladda, ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda lagu maamulo shaqaalaha dawladda ee la xidhiidha cabashooyinka, sida hannaanka cabashooyinku  uga shaqeeyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo tayada guddiyada cabasho ee heer wasaaradeed iyo heer qaran intaba.

Waxa kale oo uu shirku dhegeystay warbixin ku saabsan bilowga samaynta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda loona yaqaano HRMIS, hannaankii xulashada shirkadda, sida uu u shaqaynayo, qaybaha uu ka kooban yahay iyo nidaamyada kale ee dalka ee ay isku xidhka yeelanayaan.

Ugu dambayntii waxa ay saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu halkaa isku waydaarsadeen fikrado iyo soo jeedimo la xidhiidha labadaas arrimood, waxaana la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii si buuxda loogu hirgelin lahaa hannaanka cabashooyinka, meeshana looga saari lahaa siyaabaha kale ee aan sharciga ahayn, iyada laga dooday in la sameeyo qaab suuragal ka dhigaya in dhamaan shaqaalaha dawladda la baro qaabka ay cabashadooda u soo gudbisan karaan iyo cidda ay ku soo hagaajinayaan, isla markaana ay la socon karaan halka kiisaskaasi ay marayaan.

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Khaalid Jaamac Qodax

 

Waxa sidoo kale la isla qaatay in si buuxda looga wada shaqeeyo samaynta iyo hirgelinta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda (HRMIS) kaas oo wax wayn ka beddeli doona maamulka shaqaalaha dawladda, culays badanna ka dul qaadi doona saraakiisha iyo maamulka shaqaalaha dawladda.