SOMALILAND: Howl-gal Lagu Dhaqan Celinayo Carruurta Derbi Jiifka ah

Hargeysa (Hayaannews)- Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland, ayaa shaacisay in ay howlgal balaadhan ku qaadayso todobaadkan carruurta derbi-jiifka ah oo ku soo batay magaalooyinka Somaliland oo dhan, kuwaasoo lagu xerayn doono xarumaha dhaqan-celinta carruurta, si loogu soo celiyo xayndaabka barbaarinta dhalaannimo iyo nololsha caadiga ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay qorshaha ugu jirto sanadkan in xarun dhaqan-celineed loo sameeyo carruurta qabatimay isticmaalka mukhaadaraadka xun-xun, gaar ahaan xabagta iyo waxyaabaha la midka ah.

Caasimada Hargeysa iyo qaar kamida magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa waxa aad looga dareemayaa inay xawli ugu kordhayaan muddooyinkan dambe ubadka dayac-ku-noolka ah ee ay dariiqyada, dooxyada iyo diriineejyadu hoyga iyo hadhka u noqdeen, taasoo sababta keentay waxyaabo kala duwan loo nisbaynayo, xidhiidhna la yeellan karta isbedel ku yimi xaalada dhaqan-dhaqaale ee bulshada iyo saboolnimada.

Si kastaba ha ku timaadee, howlgalkan lagu waajahayo wax ka qabashada dayaca iyo dar-xumada derbi-jiifka oo ah talaabo waajib ku ah cid kasta oo wax kala qaban karaysa dawladda, ayaa waxa ku dhawaaqay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada iyo daryeelka Carruurta ee Wasaaradda shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada Cawaale Maxamed Cawaale oo Wargeyska Dawan uga waramay xaalada ubadka derbi-jiifka ah iyo qorsheyaasha Wasaaraddaasi uga meel-yaalla.

Agaasime Cawaale oo aanu maalintii shalay waraysiga la yeellanay, xilli ay Wasaaraddiisu 14 Carruur ah oo dhaqan-celin loo sameeyey ku wareejisay qoysaskoodii, kaddib markii ay dhamaysteen muddadii haynta, ayaa ugu horayn shaaca ka qaaday “Caruurta darbi-jiifku aadbay ugu soo kordhaysaa magaalooyinka waaweyn oo dhan, magaalo kasta, waxaana sabab u ah baa la odhan karaa faqriga guud ee iska jira, dayac ka yimaada dadka waalidka ah, furniinka oo kordhay iyo dhimashada Waalidka, arrimaahaasaa ugu waaweyn waxyaabaha sababta u ah korodhka derbi-jiifka.

Wasaarad ahaan waxa maanta noo suurtogalay in aanu waalidkoodii dib ugu celino 14 Ubada oo dhaqan-celin loo sameeyey, waxa kale oo aanu todobaadkan qaadaynaa howlgal aanu doonayno in aanu ku xerayno derbi-jiifkii ugu badnaa”.

Cawaale Maxamed Cawaale, ayaa tilmaamay in ubadka ay wareejiyeen qiimeyn lagu sameeyey xaaladooda dhaqan-celineed iyo masuuliyada waalidkooda “Carruurta aanu wareejinay ka u badani wuxuu xarunta dhaqan-celinta ku jiray afar sannadood, ka ugu yarina hal sanno ayuu ku jiray, Ilmaha marka laga saarayo xarunta waa la qiimeeyaa xaaladiisa, waxa kale oo la qiimeeyaa qoyska uu ka soo jeeday in masuuliyadii qaadi karo.

Markaa haddii uu Ilmuhu yahay ilmo dhismay oo ku soo noqday xayndaabka caadiga ah, Waalidkiisa amma qoyskiisuna uu yahay qoys qaadi kara masuuliyadiisa oo u baahan, waanu ku wareejinaa, haddii uu Waalidka siiba Hooyadu ay balwad leedahay oo ilmahaas aanay gacanta ku hayn karin qoyskuna waanu sii haynaa oo waxaanu ka shaqaynaynaa waa badbaadinta Ilmaha.

Waxa kale oo muhiim ah Wasaarad ahaan ubadka aanu wareejinay sidaa kagama hadhno ee waxaanu ku samaynaa kor-joogto, waxa kale oo aanu kuwan maanta balan-qaadnay in aanu waxbarashadooda iyo caafimaadkoodaba gacanta ku sii hayno”ayuu yidhi.

Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada iyo daryeelka Carruurta Wasaaradda shaqo-gelinta iyo Qoysku, isagoo ka waramaya qorshaha ay ugu talogaleen Carruurta barriinsaday isticmaalka daroogooyinka dhaawaca maskaxda iyo koritaanka jidhka, sida xabagta, waxa uu sheegay:

“Carruurta daroogada qabatimay (Xabag-nuugga),laguma xerayn karo xarumaha dhaqan-celinta carruurta, waayo? xarumaha waxa la geyn karaa qof suuqii ku cusub oo aan balwadihii iyo mukhaadaraadkii jidhkiisu la qabsan, kuwan xabagta nuuga waxa la fal-gashay xabagtii oo dhamaan dareemayaashiisa raacday oo la’aanteed ma kici karo, ma socon karo, markaa kuwa noocaas noqday waxa sanadkan qorshaha noogu jirta in aanu helno goob lagu xereeyo oo sida jeelka oo kale loogu hayo, oo xirfado gacmeed lagu baro”

Agaasime Cawaale, ayaa masuuliyad-darrada ugu weyn ee dayaca ubadka dusha ka saaray Waalidka oo uu farriin waano iyo wacyigelin xambaarsan u jeediyey.

Waxa uu sheegay in doorka waalidku ku leeyahay baylahada Ubadkoodu gaadhsiisan tahay, halkii ugu xumayd, waxaanu yidhi “Waxyaabaha aanu ogaanay waxa kamida Waalid ilmihiisu shan amma afar habeen markuu ka maqnaa tebay in ilmahoodii ka maqan yahay, taasi waxay ku tusaysaa in Waalidka intaasoo saacadood ogaan waayey maqnaanshiyaha ilmihiisu in uu xaalad kale ku sugnaa, sidaas awgeed waxaan codsanaynaa waalidku ubadka haka war hayo, hayntu waa gooni, laakiinse aynu Ubadkeena gacanta ku hayno”.

Agaasimaha ayaa sheegay inay dalka oo dhan ku yaallaan 48 xarumood oo lagu hayo carruurta Agoomaha ah iyo kuwa waalidkood dayacay, kuwaasoo isugu jira qaar dawladdu toos u maamusho, sida xarunta Maxamed Mooge iyo xarunta Agoomaha ee loo yaqaano dhalinta kacaanka iyo xarumo gaar loo leeyahay oo sida uu tilmaamay ku shaqeeya siyaasadda Wasaaradda.

Agaasime Cawaale waxa kale oo tujaarta dalka iyo cid kasta oo wax haysata ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan dhaqan-celinta iyo daryeelka ubadka dayacan, isagoo xusay inay arrintaasi kamid tahay waxyaabaha masuuliyad-wadarreedka ee qaranka oo dhan ku waajibay.