Somaliland iyo Itoobiya Oo Tayada Baceedaha isaga Gudba Shuruudo ku xidhay

Hargeysa(Hayaannews):-Laba hay’adood oo qaabilsan ilaalinta tayada dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexay heshiis la isku waafajinayo heertayeedyada badeecadaha yimaada ama ka baxa labada wadan.

Munaasibad dhamaadkii sannadkii hore 31 Dec, 2021 lagu qabtay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland iyo Hay’adda Illaalinta Tayada Itoobiya, ayey ku kala saxeexdeen mideynta 17 Heer-tayeed labada wadan shardi uga dhigeen inay waafaqsanaadaan badeecadaha yimaada ama ka baxaya oo sahlidoonan ganacsiga u kala gudbaya labadda dal.

Samynta Heertayeedyaddan ayaa la sheegay inay ka wada shaqeeyeen  guddi khubaro farsamo aqoon u leh halbeegyada Heer-tayeedyadda, oo labada dhinac u magacaabeen oo Somaliland iyo Itoobiya ka kooban.

Heertayeedydda la soo bandhigay ee heshiiska laga wada gaadhay ayaa ka koobnaa saddex qaybood oo kala ah Heertayeedyadda dalaga beeraha, kuwa raashinka iyo kuwa agabka loo isticmaalo dhismaha.

Xafladda daahfurka waxa ka soo qayb galay madaxda u saraysa labada haayadoon oo ay kala hogaaminayeen Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Muuse Xasan X. Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Tayada ee Ethiopia Md. Bosna Bayissa.

Heshiiska labada hay’adood ayaa imanaya xilli sannadkii hore Hay’adda Ilaalinta Tayadda JSL gaar u soo saareen halbeeg Heer-tayeedyo loo raaci doono badeecadaha dalka imanaya ama ka baxaya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com