Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat
Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan
yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.
“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo
Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay
afhayeenka.
“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqda oo waan
eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.
Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee
Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha
bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda
arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa
dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida
ee Somaliland.
Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku
leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.
Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee
Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi
caalami ah wali ma helin.
Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa
dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale
martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya.
Tan iyo markii isbedelka uu ka dhacay dalka Itoobiya ee xilka uu
qabtay Abey Axmed, waxaa soo hagaagayay xiriirka siyaasadeed ee labada dal.
Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegtay “In ay
ka faa’ideyso isbedelka siyaasadda ee geeska Afrika”.
Dadka arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ka faallooda waxay
aaminsan yihihiin in arrintan ay muddo soo jiitameysay.
Yusuf Garaad oo ahaan jiray Wasiirka arrimaha dibadda ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in “dowladda Soomaaliya aanay ka aamusin arrintan”