Somaliland iyo Taiwan oo Iska Kaashanaya Beeraha

Hargeysa (Hayaannews)- Dawladdaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa shalay si rasmiya hashiis ugu wada gaadhay is-kaashi la xidhiidha dhinac waxsoosaarka, gaar ahaan horumarinta dhinaca beeraha.

Barnaamijka lagu horumarinaayo wax soosaarka dalka ayaa socon doona muddo shan sanno ah waxaana heshiishka si wadajir qalinka ugu duugay Mr. Mars Shiue iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Dr Axmed Cali Maax.

Heshiiskan ayaa daba socda heshiisyadii iskaashi ee hore ay u kala saxeexdeen Somaliland Iyo Taiwan, ayaa ku qotoma bilawga barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Liinta, Saytuunka, Tamaandhada, Basasha iyo khudaarta kale ee bulshada Somaliland uga timaada dalka Itoobiya.

Dawladda Tiawan ayaa Somaliland ka caawinaysa dhinaca qalabka wax soosaarka iyo dalagyadda, xukuumadda Jmahuuriyadda Somaliland ayaa soo diyaarinaysa goobaha wax laga beerayo oo ah dhul leh biyo ku filan.

Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka.

Dhinaca kale, xafiiska Safiirka Taiwan ee Somaliland Allen Safiirka Allen ayaa soo saaray War-saxaafadeed arrintaasi lagaga hadlay, kaas oo u dhignaa sida: “Safiirka Allen Lou ee xafiiska Taiwan ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyada hirgelinta beeraha ee ay kala saxiixdeen Mr. Mars Shiue, oo ah hogaamiyaha howlgalka farsamada Taiwan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Beeraha, Dr. Ahmed Ali Mah. 20th Disembar 2020.

Xaflada shalay ayaa daba socotay heshiiska iskaashiga farsamada ee Dr. Jaushieh Joseph Wu, Wasiirka Arimaha Dibada ee ROC (Taiwan) iyo Dr Yaasin Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland kala saxeexdeen 17 Ogosto 2020.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa looga dan leeyahay in lagu horumariyo Wax-soo-saarka iyo tayada khudradda Somaliland. Ujeeddooyinka mashruucan ayaa ah in la hirgaliyo xarun lagu xannaaneeyo oo lagu abqaalo midhaha beeraha, iyadoo la soo bandhigayo khudrad cusub, laguna tijaabinayo si loo xusho kuwa u habboon, si loo sii badiyo abqaalkooda.

Mashruucan oo tababaro lagu siin doono khubarada beeraha iyo beeralayda ayaa la filayaa inuu faa’iido u keeno dhinaca dakhliga iyo aqoonta beeralayda.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland