SOMALILAND: Jawiga Furitaanka Ololaha Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka Iyo Wacdarihii Xisbiga UCID Uu Ku Ibro-Furey.

Hargeysa(Hayaannews): Dalka Jamhuuiyadda Somaliland waxaa maanta si rasmi ah uga billaabmay ololaha doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanada, taasi oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May 2021

Furitaanka ololaha doorashooyinka ayaa musharaxiinta u ogolaanaya inay qabtaan isu-imaatino ay codka ku weydiisanayaan dadka codeynaya ee iska diiwaan-geliyey codeynta doorashada.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta bilaabay kaltanka ololaha doorashada ee Xisbiyada Qaranka oo mid kasta loo qoondeeyey inuu muddo laba maalmood ah ololihiisa qabsado, waxaanu ololuhu socon doonaa ilaa 28-ka bishan May, sida ku xusan Jadlka Ololaha Doorashada oo Komishanku shaaciyey Toddobaadkii hore.

Masuuliyiiinta, murashaxiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta isu-soo-baxyo qayb ka ah ololaha doorashada ka sameeyey fagaarayeyaasha dadweynaha ee guud ahaan gobollada dalka.

Gobollada xisbiga mucaaridka ee UCID taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka ka sameeyeen isla markaana wac-daraha ka muujiyeen waxa ka mid ah ahaa gobollada Maroodijeex, Togdheer Awdal, Sanaag, iyo Sool.

Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ay weheliyaan Taageeraal tiro badan oo ku gaashaaman astaanta murashaxiinta iyo Calanka Xisbiga UCID, ayaa isugu yimi Beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa, waxaana khudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiinta Xisbiga iyo Murashaxiinta soo bandhigay qorsheyaashooda wax-qabad ee ay ku doonayaan in lagu doorto.

Sidoo kale, murashaxiinta iyo masuuliyiinta Xisbiga UCID, waxa ay taageerayaasha xisbiga kula hadleen xafiisyada ay murashixiintu ku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoo ka dalbanayey inay codkooda siiyaan maalinta Doorashada.

Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, waxa ololaha murashaxiinta iyo taageerayaashooda kala qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan masuuliyiin sar-sare oo xisbiga ka tirsan.

Sidoo kale, ololaha Doorashadda waxa uu xisbiga UCID iyo taageerayaashiisu isu-soo-baxyo ka sameeyeen Magaalooyinka Saylac, Gebilay, Baligubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne iyo deegaamo kale, kuwaas oo dhammaantood ku dhammaaday si nabad-gelyo ah.

Ololaha Xisbiga UCID waxa u hadhay hal maalin oo murashaxiintu taageerayaashooda kula hadli doonaan xafiisyada ay ku leeyihiin magaalooyinka dalka, taas oo ku beegan 26-ka bishan May.

Maalinta Berri ah oo ku beegan 24-ka May 2021 waxa ololaha u leh Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiintiisa oo la filayo inay taageerayaashooda kala hadlay fagaarooyinka magaalooyinka dalka.

Sida ku xusan Jadwadalka Ololaha ee Guddiga Doorashooyinku shaaciyeey, waxa xisbiyada iyo taageerayaashooda loo oggol yahay inay isu-soo-baxa ololaha qabsadaan inta u dhaxaysa 7:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo ee maalinta loo asteeyey.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland