SOMALILAND: Komiishanka Doorashooyinka Oo Kala Diray Hawlwadeenada, Gaadiidka Iyo Agabka Kaadh Bedelka

Hargeysa(#Hayaannews)-Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Awdal, u kala diray shaqaalaha, hawlwadeenada, gaadiidka iyo agabka lagaga hawlgelayo goob bedelka Kaadhka iyo muwaadiniinta kaadhadhku ka lumeen.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta magaaladda Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex ka kala diray Hawl wadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Goob bedelka Degmo doorashooyinka Somaliland iyo bixinta kaadhadhka codbixinta ee ka lumay muwaadiniinta.

Ku dhowaad Afartan goobood oo ka mid ah gobolka Maroodi-jeex ayay ka hawlgelayaan shaqaalaha maanta laga kala diray Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale, Magaaladda Burco, waxa isla maanta ka boqoolay hawlwadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Goob bedelka Degmo doorashooyinka Somaliland iyo bedelaada kaadhadhka ka lumay muwaadiniintii qaadatay 2016.

Sidoo Kale, Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-Raac) oo ka hadlay magaalada Boorama ayaa sheegay inay ku kala direen shaqaalaha 20 goobood oo laga qaadan doono kaadh bedelka iyo goob bedelka, isaga oo ku dooday in 10 cisho ee soo socda degmada Saylac laga diwaangelin doono afar goobood oo kala ah Saylac, Lawyacaddo, Xariirad iyo Fiqi Aadan, iyada oo degmada Lughayana laga qaadan doono saddex gooobood oo kala ah Lughaya oo degmada ah, Geerisa, Garbo dadar, halka degmada Baki iyana laga qaadan doono saddex goobood oo kala ah Baki, Dila iyo Cali Xaydh.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland