HAYAANNEWS.NET
SOMALILAND: Madaxweyne Biixi , Ayaa Kormeeray Goobaha Ay Is-Diiwaangelintu Ka Socoto Ee Gudaha Caasimadda Hargeysa.
December 17, 2020 - Written by admin

Hargeysa (Hayaannews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha Ay Is-Diiwaangelintu Ka Socoto Ee Gudaha Caasimadda Hargeysa.

War ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jamac, soona gaadhay wakaaladda wararka Somalilland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray goobaha ay ka socoto wejiga labaad ee is-diiwaangenlinta cod-bixiyayaasha ee ku yaalla degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen ( Axmed Cabdi-dheere), ayaa soo indho-indheeyey hannaanka ay is-diiwaangelintu ka socoto goobaha gudaha caasimadda, waxana uu kormeerkiisa kusoo maray goobo ku yaalla degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamed Mooge, Axmed Macallin Haaruun iyo Ibraahim Koodbuur, isaga oo halkaas kusoo arkay dadweyne safaf ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen, islamarkaana warbixinno ka dhegaystay saraakiisha Komishanka Doorashooyinka u qaabilsan goobahaas oo si habsi leh u gudanayey shaqadooda.

Booqashada madaxweynaha, ayaa timi iyada oo codsi ka yimi shacabka dartii ay Komishanka doorashooyinku kordhiyeen muddadii ay hore ugu qoondeeyeen inay is-diiwaangelintu socoto oo Afar maalmood ahayd.

#Hayaannews, Office

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews