#SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Baaq Caalamiya U Direy Bulshada Caalamka

Hargeysa (Hayaannews)  – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay Beesha caalamka, Ganacsatada iyo qurba-jooga inay gacan ka geystaan taakulaynta dadkii ku waxyeeloobay dhibaatada dabkii baabiyay suuqa WAAHEEN ee badhtamaha Magaalada Hargeysa.

Sidaa waxa lagu sheegay Baaq ay soo saartay Xukuumadda Somaliland oo uu ku saxeexan-yahay Madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi

Baaqa ayaa lagu sheegay in uu dabku burburiyay ilaa 5000 oo ah ganacsiyo iskugu jira, kuwa yar yar, kuwo dhexe iyo kuwo waa weyn, isla markaana, ay gubashada Waaheen uga sii dartay sicir-bararkii markii horeba bulshadu la daala dhacaysay.

Waxaana lagu yidhi baaqa.”Waxaynu u baahanahay in aynu si wayn uga jawaabno, si aynu wax uga qabano, isla markaana u bad baadino, nolosha kuwa ugu jilicdasan, oo u badan dumar iyo caruur, waa in aynu kaga jawaabnaa naxariis iyo wadajir, deeq-bixiyayaasha, ganacsatada, dowlada Somaliland, qurbajoogta Somaliland iyo beesha caalamka”

Baaqa ayaa lagu sheegay in gargaarka ay xukuumaddu codsanayso la doonayo in cunto iyo hoy loogu sameeyo dadka aad u jilicda san, in dib loogu hagaajiyo dhismayaasha dhibtu soo gaadhay, in dowlada hoose laga caawiyo in ay samayso 6 goobood oo ku meel gaadh ah oo ay ganacsatadu ganacsigooda kusii wadan doonaan inta Waaheen laga dhisayo.

Baaqa ayaa lagu sheegay in ilaa hadda ay xukuumadda Somaliland taageero iyo garab istaag ka heshay waddamada jaarka iyo qaarkamid ah waddamada beesha caalamka.

Xog ururrinta hordhaca ah ee laga sameeyay khasaaraha suuqa Waaheen, ayaa lagu qiyaasay 2 bilyan oo dollar.