|
|||||
HAYAANNEWS.NET
SOMALILAND: Madaxweyne Biixi oo Dhaqangeliyey Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Maalinta la Bilaabayo
November 4, 2020 - Written by adminHargeysa(Hayaannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Xeer Madaxweyne ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, ka dib markii ay dhawaan golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen. Wareegtada Xeerka Madaxweynuhu ku dhaqan-geliyey qabashada diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha doorashooyinka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxay u dhignayd sidatan:- “XEER MADAXWEYNE Taariikh: 04 /11/2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka. Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020; Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/20; Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Waxaan Go’aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020. ALLAA MAHAD LEH.” ![]() ![]() Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland Ema9il: Hayannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|