SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Sanaag, Arrinta Masaajiddada, Fidista Fayriska Covid-19 Iyo Qodobbo Kale

Hargeysa(Hayaannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Dagaal Rasaas la isu adeegsaday oo maanta laba Beelood ku dhex-martay Tuulada Fadhi-gaab oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxaanu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Madaxweyne Biixi waxa uu sidoo kale ka hadlay Sadhada dunida saamaysay ee Covid-19 oo Somaliland lix kiis maraya inta ay dowladdu shaacisay, waxaanu sheegay inaan la joojin karin Qaadka Itoobiya ka yimaadda, waxaanu intaa ku daray inaan xayiraad guud laga samayn karin Somaliland.

Arrinta Salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada ayuu sidoo kale soo hadal qaaday Madaxweyne Biixi, waxaanu ku dooday in Masaajiddada Barakaysan ee Xaramka iyo Masjidka Nebi Muxamed la xidhay, si looga hortago oo loo yareeyo Sadhada cudurka Covid-19, sidaa awgeedna looga baahan yahay Somaliland in la yareeyo isu imashada iyo Salaadaha Jamaca.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axadda Maanta laga soo Duubay Muuqaal uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-