SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb-galay Fooladeynta Arday ka Qalin-jebisay Jaamacadda Cammuud
October 10, 2020 - Written by admin
Boorama(Hayaannews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo
shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka Somaliland, ayaa ka qayb-galay
munaasibad ay ku qalinjebiyeen 945 (Sagaal Boqol iyo Afartan iyo shan) arday oo
sannadkan ka baxay Jaamacadda Cammuud oo ah dufcadii 19aad, kuwaas oo bartay
Takhasusaadka kala duwan oo ay bixiso Jaamacaddu.
Sidaa waxa lagu bilaabay war qoraal ah oo xafiiska
afhayeenka madaxtooyada ee warbaahinta qaabbilsani ka diyaariyey tegista
Boorama ee Madaxweyne Biixi, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews,
waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Munaasibadda ay ku qalinjebiyeen Ardaydani oo
maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama, ayaa waxa
madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada,
guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, hormuudka Jaamacadda, xildhibaanno,
madaxda gobolka Awdal, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, Ardayda qalinjebisay,
waalidkooda iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu
bogaadinayo Ardayda qalinjebisay, looguna mahadnaqayo macallimiintii iyo
waalidiintii kusoo tacabtay.
Ugu horrayn hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof.
Saleebaan Axmed Guuleed oo khudbad ka jeediyey munaasibadda, ayaa ku
dheeraaday dedaalkii ballaadhnaa ee ay Jaamacad ahaan geliyeen Ardayda maanta
qalinjebisay, isaga oo Ardaydana ugu baaqay in juhdigii la geliyey ay dalkooda
iyo dadkoodaba dib ugu soo celiyeen, waxana uu ammaan u jeediyey cid kasta oo
tacab ka geysatay sidii ay ardaydaasi u gaadhi lahaayeen yoolkooda.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska,
Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna dhinaciisa hambalyo iyo
bogaadin u diray Ardayda qalinjebisay, isaga oo Ardayda usoo jeediyey inay
tacliinta ay bartaan ku keenaan isbeddel la taaban karo oo dalka ka hirgala,
islamarkaana ay wax cusub Allifaan, wasaarad ahaanna ay dhiirrigelin buuxda la
garab taagan yihiiin.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer u sharraxay
waxyaabaha looga baahan yahay Jaamacadaha qaranka iyo mutacallimiinta maalin
walba qalinjebinaysa, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay yihiin xarumaha laga
rabo inay keenaan xalkii lagaga bixi lahaa dhammaanba mashaakilka
bulshada ku gedaaman.
“Adduunka oo dhan mashaakilka yimaadda ee
mujtamacooda ku yimaadda waxa xalliya jaamacadaha oo si cilmiyan ah bay u
xalliyaan, sidaa darteed jaamacadaha oo dhan oo ay Cammuud ugu horrayso waxa
laga doonayaa inay qabtaan cilmi-baadhis oo ay dersaan mujtamaca hoggaamintiisa
iyo dhibaatooyinka jira maxaa laga qaban karaa, dabadeedna ay soo saaraan
qoraallo cilmi-baadhis ah oo laga faa’iidaysto oo dadka talada haya ay ku
hoggaamiyaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey gobolka Awdal iyo shucuubta ku dhaqan, waxana uu ku sifeeyey xarunta nabadda, ilbaxnimada iyo tacliinta, isaga oo xadhigga ka jaray dhisme maqaaxi cusub oo loo bineeyey Ardayda Jaamacadda wax ka barata iyo laammi cusub oo jaamacadda dhexdeeda laga sameeyey.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar kamid ah ardaydii ugu sarraysay jaamacadda ee sannadkan, iyada oo 136 kamid ahi ay ka qalinjebiyeen Master, halka 808-Arday ay ka baxeen aqoonta Digriiga koowaad iyo diploma-da,” sidaa ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee naga soo gaadhay Madaxtooyada Somaliland.