SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiir-Ku-Xigeenka Norway U Fadhiya Kenya.

Hargeysa (Hayaannews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Stian Christensen oo uu wehelinayo ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo maanta Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews

Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga horumarka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalinta uu dalka Norway ka qaadan karo, waxana ay Jamhuuriyadda Somaliland soo dhaweysay in Norway kaalin ka qaadato wada-hadallada iyo kala gurashada labada dal, maaddama waddanka Norway yahay dal dhexdhexaad ah, islamarkaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka. Ugu dambayn, waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa iyo guul.