#SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Wasiir Cusub

Hargeysa (Hayaannews) – Madaxweynaha Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax u magacaabay wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland.

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, oo hore u ahaa wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa jagadan baneeyay, 31, March, kadib markii uu furtay urrur siyaasadeed, isla markaana uu iska casilay xilkii wasiirnimo.

Wareegtada madaxweyneha ayaa u dhignayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 07 /04/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay wasiirka wasaaradda haadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland