#SOMALILAND: Madaxweyne Biixi  Oo Qaabiley Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK Oo Uu Hoggaaminayo Gavin Williamson

“Madaxweynuhu Wuxu Ugu Baaqay Dawladda Uk Inay Ballaadhiso Xafiiska Dawladda Ingiriisku ku Leedahay Somaliland….”

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson oo maanta soo gaadhay Somaliland.

Xildhbaan Gavin Williamson ayaa mooshin ku saabsan Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland horgeeyey Baarlamaanka Ingiriiska oo dood muddo saacad ku dhow qaadatay ka yeeshay 18-kii January ee sannadkan 2022-ka, arrintaas oo kor u qaadday isla markaana caalamka gaadhsiisay Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Xildhibaannada Baarlamaanka Ingriiiska ee uu hoggaaminayo Xildhibaan Gavin Williamson oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa kala ah Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny-Lister iyo Hon. Alun Cairns oo dhammaantood ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo raysal-wasaare Boris Johnson.

Weftiga oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, ayaa markii ay ka soo degeen gegida diyaaradaha, waxa ay toos u tageen Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Xildhibaannada ku soo dhaweeyey booqashada ay dalka ku yimaaddeen isla markaana uu xildhibaannada uga mahad-celiyey Mooshinkii iyo Dooddii ay Baarlamaanka UK horgeeyeen oo lagaga dooday qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu ku bogaadiyey Xaqiiqooyinka ku saabsan Somaliland ee ay soo bandhigeen iyo dedaalkooda ku saabsan xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah labada waddan. isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamku inay ku daydaan baarlamaanka UK oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaadhiso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka weftiga xildhibaannada baarlamaanka UK ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye oo isagu la socday weftiga xildhibaannada Baarlamaanka UK