#SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Shaaciyey Inuu Taageeray Dagaalka Ka Dhanka Ah TIGRAY-ga

Hargeysa(Hayaannews): “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi wuxuu taageeray dagaalka ka dhanka ah Tigray” Sida waxaa lagu qoray warbixin lagu daabacay bogga warbaahinta dawladdda Ethiopia ee Telefishanka iyo Idaacadda.

War lagu daabacay maanta goor hore bogga warbaahinta Ethiopia (#Ethiopia_Broadcasting) ayaa lagu shergay in kulankii maanta dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Md Mustafa Maxamed Cagjar uu madaxweyne Biixi ku taageeray dagaalanka ka dhanka ah xoogaga #TPLF iyo #OLA.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kulanka lagu soo qaaday dagaalka Ethiopia ka socda iyo xidhiidhka ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia.

Waxaa layaableh sida dhiiranaantu ka muuqato ee warbaahinta Ethiopia loogu xusay in Muuse Biixi uu gallayo dabin iyo cadaawad Somaliland dib u qaniini doonta.

Haddii aanu warkani jirin waa inay xukuumadda Muuse Biixi beeniso haddii kalana qirato.

Guji linska hoose si aad Warbixinta u akhrisato

https://www.facebook.com/541629952535552/posts/5040795535952282/

Mohamed Cabdi Xassan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com