SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Xafis U Fidiyey  279 Maxbuus

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-697/072021 cafis ugu fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu wareegtada ku sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 19-ka bisha July 2021 uu cafis u fidiyey 279 maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka, waxaanu xusay inaanu cafiskani saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews ee Magaalada Hargeysa, ayaa u qornayd sidan:-

“Wareegto Madaxweyne: Cafis

Markaan Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay:                Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey:        Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/208/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Arkay:                Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/192/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021;

Markaan Tixgaliyey:        Munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka 2021, kuna beegan 1442;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Cafiskan waxa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. “ Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtada uu cafiska guud ugu fidiyey maxaabiista oo ku soo beegmaysa iyadoo maalinta Berri ay ku beegan tahay Ciidul-Adxa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com