SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Xeer Ku Dhaqan-galiyay Qabsoomida Doorashooyin Wakiillada Iyo Deegaanka.

Hargeysa (Hayaannews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Markaan Arkay:      Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

Markaan Arkay:      Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay:      Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku taariikhaysan 16/01/2021, kaas oo u jeedadiisu ahayd Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay:      Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay ee ku taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna ahayd Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.