|
|||||
HAYAANNEWS.NET
SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Xil-ka Qaadis Iyo Magacaabid Sameeyay.
January 10, 2021 - Written by adminHargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Sidaa waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay Madaxweynaha Somaliland oo nuqul ka mid ah ay maanta heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan: “Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Ku: Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare Marwo iyo Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. +++++++++++++++++++++++++++ UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
+++++++++++++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Magacaabista Jagada Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. ++++++++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaad Arkay: Baahida Loo Qabo Dhismaha Guddida iyo Agaasinka Mac’hadka Cilm-baadhista Beeraha iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Kobcinta Aqoonta iyo Awoodda Wax Beerista ee Dalka; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
+++++++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka MarkaanArkay: Qodobka 15aad, 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaad Arkay: Muhiimadda ay Leedahay in Qaranku Yeesho Guddi Tacliineed oo Qaabilsan Tayaynta Tacliinta Sare ee Dalka; Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Dhismaha Guddida Tacliinta Sare; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Baahidda Qaranku u Qabo Dhismaha Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
++++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Muhiimadda ay Qaranka u Leeyihiin Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Waxa aan u mahad-celinayaa masuuliyiintii hore ee xilalka Hay’adda Shaqaalaha hore u hayey.”
Mustafe-Janaale Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|