#SOMALILAND: Madaxweyne Bixii Oo Derajooyin Ku Taxay Dufcaddii 7aad Ee Loo Carbiyo Layli-sarkaal

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay xaflada qalin-jabinta Dufcadii 7aad oo ka kooban 410-Sarkaal oo ka baxay kulliyada Tababarka Layli Sarkaal Ee Cabdilaahi Askar kana tirsan Ciidamada Qaranka, Ilaalada Madaxtooyada iyo Asluubta.

Munaasibadaa ballaadan oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha , Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Waxbarashada iyo sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, Tamarta iyo Macdanta, Cabdilaahi Cabdi Faarax, warfaafinta wacyigelinta iyo dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Diinta iyo Aw-qaafta, Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Maalgashiga iyo wershedaha, Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aarre, Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee qalabka sida.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in 410 Sarkaal u dalaceen Xidiglayaal kuwaasi oo ay ku jiraan hablo, waxaanu yidhi, “Markii aan arkay warbixinta Taliya-yaasha ciidamada ee uu usoo gudbiyey taliyaha kulliyada iyo macalimiintii qaabilsanayd duruustooda ammintan aynu joogno waxaan ku dhawaaqayaa si waafaqsan sharciga, xeerarka iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland in 410-Sarkaal oo Ciidamada kala duwan ee Somaliland ahi ay maanta u gudbeen Sarkaalnimo Xidiglayaal ah oo ay ka gudbeen Layli-sarkaal, Ciidamada kala duwan ee qaranka aad hoggaamintooda kusoo biirteen Xidiglayaasha cusubow waxaa idin saaran waajibaadyo badan difaaca qaranka iyo gurmadka qaranka kolba halkii looga baahdo, haddii ay dhibaatooyin yimaadaan Duufaan, Abaar, Dhul-gariir iyo wax lamida gurmadka koobaad waxaa leh Ciidamada waayo Ciidamada awooddooda halkaa lagu yimi iyagaa urursan, ma jirto awoodd kale oo u tabobaran inay dhibaato ka hortagto”.

Dhanka kale Madaxweynuhu waxa uu Ciidamada Qalabka sida ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sannadkan Saddex doorasho oo la qaban doono taasi oo sugida amaankoodu uu saran yahay Ciidamada kala duwan ee Qaranka “Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho saddexdaba Ciidanka qaranku isagaa qeybta ugu weyn qaadanaya, mar waxaad kala ilaalinaysaan dadkaa xamaasadu eryeyso ee marka ay wax doorayaan aad moodo inay dagaalamayaan, caalamku sidaa maaha caadifadeena badan, mar labaad Ciidamada waxaa laga doonayaa inaanu inagu soo dhex dhuuman cadowgeenu oo marka ay ololeyaashu iyo xisbiyadu socdaan uu dhulku nabad ahaado, mar saddexaadka waxaa laydinka rabaa inta cadhootay ee is leh waxbaad waydeen haddana inaad qabataan, waxaa laydinka rabaa inaad goobta laga codaynaayo inaad eegtaan inay cadaaladd u socoto”

Madaxweynaha ayaa dalalka Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay in dagaalka la joojiyo nabadna lagu dabaalo xaaalada, sidoo kalena waxa uu sheegay inaan Hargeisa iyo Burco wixii ka dhacay aanay Ukraine ka dhicin, “Waxaan xusuustaa maanta marka adduunku sidaa Ukraine uga hadlaayo Anniga iyo inta ila da’ada ah ee usoo joogtay wixii ka dhacay Somaliland xusuus gaara ayey u leedahay, waayo sidii loo duqeeyey Hargeisa, Burco iyo wixii ku dhacay iyo rasaastii ku dhacday Caasimadda Ukraine kumay dhicin, Kyiv madaafiic waa weyn baa lala dhacaa laakiin sidii cadowtinimada lahayd ee halkan lagula dhaqmay wali may gaadhin, Hargeisa berigii dagaalku dhacay ee 1988 bari iyo galbeed waxay u ahayd 17KM Waqooyi iyo Koonfurna waxay u ahayd 13KM, Buurtaa Taliska guud dusheeda waxaa lasoo dhigay 60-Madfac oo siman oo nooc walba leh, xagga dhaqaaqa waxaa lasoo dhaqaajiyey dhawr iyo saddon taangi, wuxuu qorsheeyey ninkii halkaa ka talinaayey ee abbaan duulaha ka ahaa in Mitir kasta oo Hargeisa kamida ay Xabadi ku dhacdo, xattaa dagaalkii 1aad ee adduunka may dhicin”.

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in haddii Soomaliya ay dagaal ka maarmi waayaan ay Somaliland u dhigi doonto Cashar ka duwan kii ay hore ugu dhigeen waxaana uu yidhi “Maanta Alxamdulilaah nabad baynu ku jirnaa ciddna dagaal uga biqi mayno dadka nabad baynu u wada fidinaynaa qolo halkan oo aynu beri wadaagi jirnay dawlad oo aad inoogu hanjabtaa hadday dagaal ka maarmi waayaan casharkii aynu aabbayaashood u dhignay ku ka wanaagsan baynu u dhigi doonaa, laakiin waxaa inoo yaalla awood kale oo dal dhis ah, waxaa laga doonayaa Ciidanka qaranka maamulka fidintiisa dadka walaalayntiisa, dhibaatooyinka badan ee dalka haysta inaad idinku ka saartaan”.

Isla sidoo kale Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu shaaca ka qaaday hannaanka ay doorashooyinku u kala horayn doonaan “Saddexda doorasho ee inagu soo socda waxaa ugu soo horaysa tii Ururada haddii Alle yidhiaahdo Bisha June waxay guddidu ku dhawaaqi doontaa in la diiwaan gelinayo Ururadii oo waa la tartamayaa, Saddexda Xisbi ee jiraa waxay la xuquuq noqonayaan Ururadaa bilaabmay, waa in Ururadii tartamaan Saddex Xisbi ayaa soo baxaya, 13 November waxaa dhacaysa sida waajibku yahay tii Madaxtooyada sidii laysu waajin lahaa waa hawl u taala qaranka, waxaa ku xigta Guurtidii Insha allaahu, iyaduna waxay noqon doontaa in lasoo xulo oo aynaan doorasho badan gelin taa lafteedu waa hawl badan”.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in la saadaalinayo in sannadka soo socda u yahay Bad-xidhan loona baahan yahay in laa sii gaashaanto “Waxaa laysku raacsan yahay in sannadka soo socda u eegyahay haddii uu xitaa dagaalku maanta joogsado bad xidhan oo la kala ootay oo nin waliba wixii uu lahaa uruursaday, Shiidaalka hadday tahay dal waliba shiidaalkiisa isagaa uruursanaya, cuntadii la beerayey ee la iibsan jiray hadday tahay dhulkii ugu badnaa ee laga beerayey ee adduunka intiisa badani ka qaadanayeen Yurubta bari buu ahaa iyo Ruushka Ukraine caalamka kala badh baa ka iibsan jiray Daqiiqda maanta waxba iibin mayso dagaal baa ka socda, Bariiska Eeshiyaa qaadan jirtay badankiisa waxaaba laga yaaba inuu Chine dib u iibsado maadaama ay Chinuhu iyo Ruush ku isku aragti yihiin , meesha soo hadhay waa dalalkii soo karaayey oo Africa ku jirto ka mid baynu nahay duruufaheenu waa ka duwan yihiin, maxaa inala gudboon? Dhexda inaynu xidhano oo waxa aynu haysano imika isu geyno oo keyd ka dhigano waxa soo socdana aan ku talo-galno siday uga bixi lahayn, hawshaasi waa soo eegtahay adduunka oo dhamina waa arkayaa maantana way taagan tahay”.

Ugu Danbayntiina waxa uu fariin u diray Madaxweunuhu Ganacsatada isagoo u sheegay in loo baahan in xiligan adag lagaga bixi karo iskaashi iyo wadaaga wixii la hayo “Waxaynu kaga bixi karnaa midnimo, innaga oo waxa aynu haysano wadaagna, waan ku celinaya Baayac-mushtarka maalin horena waan la hadlay maanta waa maalintii dadka xoolaha haysta lala wadaagayey, xoolaha dadkan baad ka hesheen maanta lexe-jecladaa ma leh, ma lihin waxaaga khasaari, waxaa lagu qiyaasaa dhaqaalaha Somaliland Bilyan iyo dheeraad 4% bay ka haysaa dawladdu, waxaa looga baahan yahay inay ku talo galaan wixii ay maanta macaashi lahaayeen inay dadka la wadaagaan”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com