SOMALILAND: Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka  Qayb-galay Aaska Suldaan Ibaraahin Jaamac Samatar

Aaska Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, mudane  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb-galay aaska marxuum Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, oo lagu aasay magaalada Gabiley.

Sidoo kale waxaa aaska marxuunka soo ka qayb-galay salaadiin, masuuliyiin kala duwan ka tirsan xukuumadda Somalilnad, maamulka degmada Gabiley iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo marxuunka Alle uga baryay inuu u naxariisto dembigiisana dhaafo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa marxuun Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ku sifeeyay shaqsi kaalin wayn ku lahaa geedigii nabaydnta iyo dib u dhiska hannaanka dawladnimo ee dalka.

Madaxweyne xigeenka Somaliland wuxuu marxuunka Alle uga baryay inuu u naxariisto, isagoo kana tacsiyadeeyay guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay, waxaanu yidhi. “Qofkasta oo adduunkan korkiisa ku nooli wuu dhimanayaa, waxaa aynu maanta halkan u joogna aaska  marxuun Ibraahim Jaamac Samatar, kana mid ahaa salaadiintii ugu waa weynd Qaranka Somaliland, oo innaga baxay habeen hore isla markaana ku geeriyooday waddanka Turkiga oo uu xaalad caafimaad u jiifay.

Waxaan geerida suldaanka ka tacsiyadeynaya guud ahaan bulshada Somaliland, dhammaan eheladii, asxaabtii qoyskii iyo qaraabadii,  maalintii koobaad ee Soonka oo ILLAAHEY dartii loo af xidhan yahay ayuu dhintay, waxaanu ILLAAHEY uga baryayna in uu soonka fadligiisa qabriga ugu nuuro”

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga WADDANI Amb. Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa ka hadlay geerida marxuun Ibraahim Jaamac Samatar. “Maanta waxaa aynu joogna aaskii suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, waxaanu ka tacsiyadeynaya bulshaweynta Somaliland, waxa aanu ka tacsiyadeynayna ehelkii qaraabadii iyo asxaabtii in ILLAAHEY samir iyo iimaan ka siiyo,” #Hayaannews

“Halkan maanta waxaa yaala oo aynu dul joogna maydka walaalkeen Marxuun Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, ta ina saaran ee koobaad taa weeyaan, ILLAAHEY haw naxariisto qabrigana haw nuuro”Ayuu yidhi suldaan Dhawal kana mida sulaadiinta gobolka.

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com