Hargeysa, (Hayaannews)-Madaxweyne Jamhuuriyadda
Somaliland,Muuse ayaa baaq garnaqsi iyo
hogo-tusaalayn ah u diray beesha caalamka ee ka caga-jiidaysa horumarka iyo
dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaadday.
Madaxweyne Biixi ayaa
gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo
dawladnimadeeda, waxana uu yidhi
“Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u
dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana
garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo
ay horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay
doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo
tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen,
waxannu leenahay in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu
leenahay ma qabato Somaliland Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi.
Dhinaca Madaxweyne Biixi ayaa shacabka u caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay tallaabo loogu dhawaanayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu yidhi, “Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa.”