SOMALILAND: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Baaq Garnaqsi Ah U Diray Beesha Caalamka


Hargeysa, (Hayaannews)-Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland,Muuse  ayaa baaq garnaqsi iyo hogo-tusaalayn ah u diray beesha caalamka ee ka caga-jiidaysa horumarka iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaadday.

 Madaxweyne Biixi ayaa gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo dawladnimadeeda, waxana uu yidhi  “Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen, waxannu leenahay in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu leenahay ma qabato Somaliland Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 Dhinaca Madaxweyne Biixi ayaa shacabka u caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay tallaabo loogu dhawaanayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu yidhi, “Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa.”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland