SOMALILAND: Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Oo Hortagay Golaha Wakiillada

Hargeysa (Hayaannews) Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee golaha wakiillada, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta sar sarre ee wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada, ku xigeenka xisaabiyaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda maaliyada, oo kala ah waaxda miisaaniyada, waaxda, hanti dhawrka gudaha, waaxda kastamada, waaxda maamulka lacagta, waaxda IT-ga, ayaa kulankaasi goobjoog ka ahaa.

Dhanka guddidana waxa hoggaaminayay guddoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka ee golaha wakiillada, Mustafe Axmed Cabdillaahi iyo lix mudane oo ka tirsan guddidaasi.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd dhaqangelinta qodobadii ka soo baxay warbixintii xisaab xidhkii sannadkii 2020-kii iyo soo jeedimihii hanti dhawrka guud ee Qaranka iyo kuwii guddidaba.

Dr. Sacad Cali Shir, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay nuruxka kulankii dhexmaray guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee golaha wakiillada.

Waxaanu yidhi. “Waxaanu iska wareysanay hawlo fara badan, wada hadalkaasina waxa uu noogu dhacay jawi aad iyo aad u wanaagsan, anaga oo gudanayna xilkayaga, si fiicana waanu isu fahanahay, wada shaqeyn wanaagsana way naga dhaxaysa.

Waxyaabaha aanu ka wada hadalayna ee ay wax iga weydiiyeena waxa ka mid ahaa cashuuraha, shirkadaha aanu la leenahay macaamilka iyo tacriifaadka, miisaaniyada,”