#SOMALILAND: Maxkamadda Sare Oo Go’aan Ka Soo Saartay Muranka Xeer 14 iyo Dacwaddii 47 Xildhibaan U Gudbiyeen.

Hargeysa (Hayaannews)- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saartay Arji ay u gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ka codsaday inay maxkamaddu fasiraad sharci ka bixiso khilaafka ka taagan xeerka furista ururrrada siyaasadda oo ay isku khilaafeen Golaha Wakiilaldu.

47 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa 21 Dec, 2021 Maxkamadda Sare u gudbiyey arji ay ku codsanayaan inay tafsiir sharci ka bixiso Qodobka 77aad ee Dastuurka oo ka hadlaya Dhaqan-galka iyo ansixinta Xeerka Ururrada siyaasadda.

Qaraarka Maxkamadda Sare oo lagu socodsiiyey 47-ka xildhibaan ee arjiga u gudbiyey isla markaana ay ku saxeexan yihiin 10 Garsoore oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa gebi ahaanba lagu laalay gal-dacwadeedka xildhibaannada oo lagu tilmaamay inaanu waafaqsanayn nidaamka sharciga ah maadaama codsiga ay Maxkamadda u gudbiyeen aanu ku saxeexnayn guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isla markaana aanu waafaqsanayn hab-raaca dacwadaha maadaama oo arjiga lagu socodsiiyey Magaca guddoomiyaha Maxkamadda Sare halkii ay ka ahayd in lagu socodsiiyo Magaca Maxkamadda dacwaddu khuseyso.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay inaanu arjiga Xildhibaannadu nuxur ahaan iyo sharci ahaanba waafaqsanayn Nidaamka Dacwad-furashada Dacwadaha Dastuuriga ah, sidaas awgeeedna ay gebi ahaanba laashay.

Halkan hoose kaga Bogo Qaraarka Maxkamadda Sare ee Somaliland ka soo saartay arjiga ay u gudbiyeen 47 xildhibaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com