SOMALILAND: “Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashadu Waa Waajib Qaran” War-saxafadeedka Wasaarada Waxbarashada

Hageysa(Hayaannews): Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa sheegtay mideynta direyska dugsiyada Waxbarashadu inuu yahay waajib qaran, isla markaana waxay fariin u dirtay Waalidiinta.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed caawa ka soo baxay Wasaarada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:

“War- Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL, 30/06/2021.

Mudanayaal/Marwooyin

Ujeeddo: Midaynta Dirayska dugsiyada Waxbarashadu waa waajib qaran oo la fulinayo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku iyadoo fulinaysa siyaasada iyo qorshayaasha horumarinta waxbarashada waxa aad ka warqabataan inay ku hawlanayd siddii loo fulinlahaa midaynta dirayska.

Hadaba waxaa mar labaad la xasuusinayaa ardeyda, waalidiinta iyo hawl wadeenada Waxbarashada in sanad dugsiyeedka 2021/2022 ardeydu soo xidhan doonaan dirayska cusub waxaa kale oo la tix galin doona ardayda xidhan dirayskoodii hore iyadoo loo eegayo duruufaha kala duwan ee soo socda.

KOW: Waalidiinta duruuf awgeed aan ardeyda sanadkasta u iibin Karin dirays cusub si ay ugu sii diyaariyaan dirayska cusub wakhtiga ugu horeeya ee ay awoodaan.

LABA: Ganacsatada haya midabada dirayskii hore si aan khasaare uga soo gaadhin.

SADEX: tolmaha oo dib uga dhaca wakhtiga furitaanka dugsiyada, maryaha midabada qaarkood oo kala go’a.

Waxaa ardeyda iyo waalidiintaba lagu wargalinayaa in dirayska cusubi yahay ka rasmiga ee wax lagu dhigan doono qofka ay la kulanto duruufahaa aynu sarre ku xusnay waa inuu sida ugu dhakhsaha badan uga diyaar garoobaa.

Waxaa maamulayaasha goobaha waxbarasahada la farayaa in talaabo ku haboon laga qaadi doono dugsigii ay ku cadaato isagoo ardeyda ku qasbaya dirayskii hore ee laga guuray si togan iyo si tabanba.

Waxaa ardeyda, waalidiinta iyo masuuliyiinta goobaha waxbarashada lagu war-galinayaa in dharka ay ardeydu xidhanayaan yahay mid waafaqsan shareecada islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan isla markaana yahay mid guud ahaan asturaya hablaha midabaduna waafaqsanyihiin kuwa dirayska, sidoo kale waxaa lagu wargalinayaa in aaney jirin meel lagu bedelay dirayskii iyo midabkii hablaha dugsiyada sarre ee ka rasmigii yahay kay wasaaraddu hore usoo saartey.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com