SOMALILAND: Murashixiin Cuddudooda Taageero Ku Soo Bandhigay Magaalooyinka Hargeysa Ilaa WAJAALE

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Xisbiga Muaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cbdilaahi oo ay weheliyaan saddex murashax oo taageero miisaan leh ku leh gobollada Maroodijeex iyo Gabiley, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey degmada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Murashaxiinta guddoomiyaha ku wehelinayey sodaalkiisa, ayaa kala ah Caydaruus Cabdisamad Muxumed oo u tartamaya golaha deegaanka degmada Hargeysa, Eng Axmed Cabdi Ibraahim oo u tartamaya golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi oo isaguna u tartamaya golaha Deegaanka degmada Gabiley.

Murashaxiinta oo qayb ka ahaa Ololaha Murashaxiinta Xisbiga Waddani oo maanta soo gebo-gabeeyey Maalmaha ololaha saddexda Xisbi Qaran, waxa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay taageerayaashooda degmada Wajaale oo ku gaashaaman Calanka Xisbiga Waddani iyo Astaamaha Murashaxiinta.

Soo dhaweynta weftiga guddoomiyaha iyo murashaxiinta oo ahayd mid aan loo kala hadhin waxa qayb ka ahaa taageerayaal wata Fardo loogu gaashaamay Calanka Xisbiga iyo alanka Xisbiga Waddani.

Saddexda Murashax oo goob-fagaare ah kula hadlay taageerayaashooda, ayaa soo bandhigay barnaamijyadooda wax-qabad ee ay ka iibinayaan taageerayaasha oo ay Codsadeen inay codkooda siiyaan uguna hiiliyaan maalinta codaynta.

“Waxaan idinka mahad-naqaynaa soo-dhaweynta aad nagu qaabiisheen iyo sida aad qorraxda noogu xamisheen, waxaanu idinka Codsanaynaa inaad maalinta doorashada Codkiina na siisaan,” sidaas waxa yidhi Murashax Maxamed Cabdilaahi.

Saddexda Murashax oo ku guda-jira olalahooda, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanay taageeerayaashooda oo si diyaarsan isu soo abaabulay kulan ballaadhan kula qaateen garoonka Dhalinta ee xaafadda Jigjiga yar, halkaas oo ay iska soo buuxiyeen taageeraal tiro badan oo lulaya Astaamaha saddexda murashax iyo alanka Xisbiga WADDANI.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKII OO DHAMEYSTIRAN:

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com