|
|||||
HAYAANNEWS.NET
SOMALILAND: Nuxurka Go’aamo Ay Soo Saartay Wasaaradda Waxbarashada Oo Khuseeya Dugsiyada Dalka
April 5, 2021 - Written by admin“Way Reeban Tahay in Dugsiyada dalku au Arday Shuruud Kaga Dhigaan Bixinta lacagta Dugsiga(Fiiga) oo lagu waajibiyo inay Waalidku isku mar bixiyaan 2 bilood iyo Ka Badda….” Hargeysa (#Hayaannews)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aamo khuseeya nidaamka waxbarashada dugsiyada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka xilligan lagu gudo-jira xaaladda xannuunka Covid-19 oo goobaha waxbarashada la fasaxay. War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada JSL, waxa ammaan loogu jeediyey Dugsiyada Waxbarashada ee dalka sida ay u fuliyeen ama ugu hoggaansameen go’aammo ay soo saareen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Covid-19 iyo wareegto ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada oo lagu amray in hore loo soo dhigo Imtixaanka naqliga ah ee kalka 2aad ee sannad-dugsiyeedka 2020/2021 oo uu qabsoomo 3-da April ilaa 12-ka April si fasax-sannadeedka loo galo 14-ka April 2021-ka. War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada oo xambaarsan go’aamo Lix Qodob ka kooban, ayaa u qornaa sidan:- “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay ku ammaanaysaa dhammaan goobaha waxbarashada JSL sida xilkasnimadu ku dheehan tahay ee ay u fuliyeen go’aannadii Guddiga Qaran ee Xanuunka KALA-ROORA (Covid-19) iyo wareegtadii Wasaaradda Waxbarashada. Haddaba Wasaaradda Waxbarashada oo ka duulaysa in xaqiiqada ah inay dugsiyadu fasax yihiin inta u dhaxaysa 13/4/2021 iyo 3/7/2021, muhiimadda ay leedahay dhaqaalaynta macallimiinta iyo inaan culays dhaqaale la saarin ardayda; waxay soo saartay go’aannadan:
#Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|