#SOMALILAND: Nuxurka Go’aamo Golaha Wakiiladu Ka Soo Saaray Xaalada LAASCAANOOD

Hargeysa (Hayaannews):- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay ciidamada kala fogeeyaan,wadahadalna layskugu yimaado.Kadib kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay saaka isugu yimaadeen xildhibaanada goluhu, ayuu goluhu ku baaqay in ciidamada la kala fogeeyo, in salaadiinta Somaliland iyo garaadada Sool ay kulmaan, wuxuuna magaacabay guddi ka shaqaysa arrimaha Laascaanood.

“Ugu horrayn mudanayaashu waxa ay tacsin tiiraanyo leh u dirayaan ciidamada Qaranka iyo shacabka labadaba, ee ku dhintay dagaalkii qadhaadha ee ka dhacay magaalada Laascaanood, way ka tiiraanyaysan yihiin, waanay ka xun yihiin wixii dhaawacana ALLE haw booga dhayo.

Sidoo kale goluhu taageeraya soojeedintii salaadiinta ee ahayd baaqa nabada, in xabadjoojin la sameeyo, lana taageero xabadjoojinta labada dhinac, Garaadada iyo Salaadiinta in ciidamada la kala durkiyo, qadiyadaasi waa mid aanu is leenahay waxa ku imanaya xalka si loo badbaadiyo dhiiga.

Waxaanu magacaabayna guddi mudanayaal ah oo ka shaqeeya qaabkii arrintaas salaadiinta u xilsaaran iyo dhinac walba uga shaqaynlahayd sidii arrintaas xal looga gaadhilahaa sidii loo badbaadinlahaa dhiga, waxaaney guddidaasi ka koobnaan doonta 11 xubnood.”

HALKAN HOOSE KA DAAAWO